Sh: Aweys'Sh: Shariif Wuxuu Galay God Mugdi Ah
Hogaamiyaha Urur-ka Xisbul Islaam Sheikh Xassan Daahir Aweys oo saxaafada kula hadlayay Magaaladda Muqdisho,ayaa ka hadlay Dagaaladdii ka socday 8-ddii bari Caasimadda Soomaaliya,isagoona dhaliilay Siyaasadda Madaxda Dowladda KMG ah.
Shiekh Aweys ayaa baaqii uu Madaxweyne Shariif u diray Shalay Beesha Caalam-ka ku tilmaamay innuu Raad Raacay Wado Mugdi ah oo uu horay u maray Madaxweynihii ka horeeyay ee C/llaahi Yusuf Axmed.
''Shacbiga Soomaaliyeed Way Necebyihiin Ciidamadda Midowga Africa Ee Ku Sugan Soomaaliya Marnaba Iskuma Dhiibi Doonaan''ayuu hadalkiisa raacshay Sheikh Xassan Daahir Aweys.
Xassan Daahir Aweys ayaa dhinaca kale Muujiyay dareen ah innay Dagaaladda wadayaan inta ay ku suganyihiin Ciidamadda AMISOM ee ka kala socda Dalalka Uganda iyo Brundi.
Sikastaba ha ahaatee Hadalka Sheikh Aweys ayaa imaanaya xilli Maalmihii dambe ay Magaaladda Muqdisho ka soconayeen Dagaalo xoogan oo loogu xoog sheegtay Ciidamadda AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









