Al-shabaab Oo Tartan Quraan U Furay Caruur Muqdisho
 Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ka furay Tartan Qur'aan,kaas oo ay ku tartamayaan caruur da'doodu ka yar tahay 15-jir oo ka kala yimid gobolada ay ka arrimiyaan.
Tartankan oo ay soo qaban qaabiyeen Wilaayada Islaamiga ee Al-shabaab u qaabilsan gobolka Banaadir ayaa maanta laga furay Masjidka Dabaqeynka ee degmada Huriwaa.
Munaasabadda Tartan Quraaneedkan lagu furayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiin ka tirsan Ururka Al-shabaab, waxaana masuuliyiinta halkaasi ka hadashay kamid ahaa Afhayeenka Ururkaasi Sheekh Cali Dheere.
"Gaaladu waxay isku raaceen inay gubaan Kitaabka qur aanka kariimka laakiin waxaan u sheegaynaa hadii aad Kitaabka warqadaha aad gubtaan,Wiilashan yar yar ayuu quraanku qalbigooda ku jiraa mana gubi kartaan" ayuu Sheekh Cali Maxamed Raage (Cali Dheere).
Caruurta tartankan ka qeyb qaadaneysa oo ka kala yimid gobolada ay ka arrimiyaan Al-shabaab ayaa waxaa ugu horreyn tartanka maanta lagu furay caruur ka timid gobolada Bay iyo Bakool.
Masuuliyiinta Tartanka ayaa sheegay in tartankan uu socon doono mudo saddax maalmood ah, kadibna la soo afjari doono.
Tartankan ayaa yimid xilli Magaalada Muqdisho uu ka soconayo dagaal ay horay ugu baaqeen Dagaalyahanada Al-shabaab, kaas oo ay kaga horjeedaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









