War Deg Deg Ah:- Dablay Hubsayn Oo Toogtay Taliyhii Jeelka Laascaanood

Source: Reported by Saleebaan Sahal Jaamac
2010-08-31

Laascaanood (Waryatv.com), Wararka hadda naga soo gaadhaya magaaladda laascaanood ee xarunta gobolka sool ayaa sheegaya in ay dablay aan hayntooda la Garanayni ay Toogteen Taliyihii Saldhiga ay jeesha (I jail) ee magaaladda lascanod mudane cabdi ciise .

Taliyaha ayaa haatan loola caraary Cusbitaalka magaaladda laascaanood oo uu haatan lagu Dawaynayo, sidoo kale warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya Xaaladda caafimaad ee Taliyaha waxaanna wararkaasi qaarka mid ahi ay sheegayaan in Taliyuhu Geeriyooday .

 Halka qaar kalena ay sheegayaan in Taliyuhu yahay dhaawac culus, guddoomiyaha gobolka Togdheer oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo sheegay inay wali baadhitaan sal dheer lagu hayo cidii geystay falkaas.

Ciidamadda ayaa guud ahaanba isku kala bixiyay Magaaladda Burco, gaar ahaana wadooyinka ka soo gala dhanka Bariga iyo Hawdka. 

Dhanka kale waxaa Khasaare badani soo gaadhay gaadhigii Taliyaha oo haatan ay ku yaalaan Xabado aad u tiro badan, falkan ayaa waxa uu dhacay ka dib salaadii Makhrib.

 

Wixii war kazoo Kordha goordhaw kala soco waryatv

 

 

Waryatv/Burao

Reported by

Saleban sahal jamac

salosahal@hotmail.com

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com