Maxaad ka taqaanaa Madaxweynaha Mustaqbalka dhow ee Soomaaliya.?
Iyadoo siyaasada Soomaaliya ay maalinba heer joogto isla markaana ay jiraan wajiyo cusub oo fara badan oo saaxada siyaasada sanad kastaba ka soo dhex muuqda, ayaa bilihii ugu dambeeyey gaar ahaana labadii todobaad ee ugu dambeeyey waxaa soo kordhaya hadal heynta ku aadan in madaxweynaha mustaqbalka dhow loo wado ninka lagu magacaabo Cabdikariin Xasan Jaamac oo haatan ah Madaxa Xafiiska Madaxweynaha (Chief of Staff)
Hadal heynta ugu badan ayaa waxaa ay ka jirtaa magaalooyinka Nairobi iy o Addis ababa oo saldhig u ah hay’addaha Caalamiga (International Community) kuwaasoo ku kala aragti duwan sida uu Mr. C/kariim uga gadmi karo magaalo Muqdisho oo kale ah oo ay ka jiraan kooxo mayal adag.
Sidoo kale, C/kariin ayaa taageero ka helaya safaaradaha Qarbiga ee fadhiya Nairobi isagoo haysta magaca La-taliyaha ugu awooda badan ee madaxweynaha, kuna guuleystay inuu labada Shariif kala dhex galo, waxayna warar xog ogaal ahi xaqiijinayaan inuu mar sigay in loo magacaabo Ra’iisul Wasaare.
C/kariim ayaa qaar ka tirsan madaxda waa weyn ee hayadaha caalamiga ay u olaleeynayaan inuu noqdo madaxweynaha mustaqbalka Soomaaliya. sarkaal ka tirsan International Community-ga kuna sugan Nairobi ayaa waxaa uu sheegay in madax sare oo ay ka mid yihiin madaxa Midowga Yurub( EU) ee Soomaaliya George Andre iyo Mark Bowdan ay bilaabeen in si qarsoodi ah ay ugu ololeeyaan C/Kariim Jaamac inuu noqdo madaxweyne Mark Bowden ayaa dhawaan golaha wasiirada canbaareeyeen, kuna jiro barnaamijkii uu ku badalilahaa wajiga dawlada.
Bowden iyo Andre ayaa wali waxay ka cabsi qabaan in ay arintaas ogeysiyaan , qaar ka tirsan hay-adaha caalamiga ayadoo uu sheegay in ay aad uga baqayaan Rina Kristmoen oo ah haweeneyda u xilsaaran Soomaaliya dalka Norway, oo aqoon badan u leh madaxda Soomaaliyeed, waliba ayada oo aad u qalqaalisay in la soo celiyo madaxda ay ka midyihiin Mustaf Dhuhulow iyo Ahmed C/salaam kuwaasoo hada ku biiray Xukuumada Cumar Cabdi-rashiid., Rina Kristmoen ayaa ah siyaasi aan qarsan in ay tageerto siyaasada Prof. Ibbi oo ka mid ah Wasiirada aadka ugu dhow Cumar C/rashiid, si aad ahna ugu horyimaado C/kariim Jaamac.
C/kariim Jaamac ayaa waxaa lagu qiyaasey inuu yahay siyaasi aad u misaan badan, aadna uga carooday in madaxweynaha u dib uga noqday go’aankii uu ku casilay Ra’iisul Wasaare Sharmarke, maadaama International Community ay qabeen in Ra’iisul Wasaare ay ku qanacsanyihiin inuu noqon karo C/kariim, sababta oo ah Dawlada Cumar C/rashiid oo ay si aad ah iskugu taxlujisay in ay ka boodaan xiriirka safaaradaha Kenya ayna toos ula xiriiraan madaxda dalalka taas oo hadii ay suurta gasho curyaaminayso madax badan oo ku dhaqan Kenya kana shaqeeyo arimaha Soomaaliya.
C/kariim Jaamac ayaa waxaa uu waayaah danbe ku guuleysan waayey inuu madaxweynaha talooyinkiisa wada qaato, C/kariim oo aanan jecleen in uu aado dalka Ethiopia ayaa hadana ka xumaa madaxweynaha inuu aado dalka Talyaaniga, ayaa ogolaadey in ay madaxda mark Bowden iyo George Andre ay u doonaan madaxweyna nimada ayaga oo madaxdaan ah kuwii jagada ka qaadey Cabdulahi Yusuf. C/kariim ayaa waxaa uu ku socdaa jidkii Nuur-cadde laakiin markaan waxaa uu u socdaa madaxweyne-nimo.
Sidoo kale C/kariim ayaa waxaa uu heystaa tageerada ergeygii hore mudane Ahmed Walad Abdalla, C/kariim oo hadaba ah madaxa xafiiska madaxweynaha, ahna ninka go’aanka ka gaara xiriirka dalalka aan af carabiga ku hadlin, ayaa fursadaa uga fa’iidaystay inuu curyaamiyo yabooha dawlada oo uu arko intooda badan, dad aan madaxtinimo u qalmin, ayaa c/kariim waxaa uu ka sii xumadey magacaabidi Mustaf Dhuxulow iyo heshiiskii Ahlusunah,
Mr. C/kariim ayaa gudaha ku heysto madax culus oo ay ka mid yihiim Mahamed Omaar, C/raxman C/shakuur, aaminsana in kutlada Baarlamaanka ee ka soo horjeeda jiritaanka dawlada ay tageeri doonaan marka ay xaalada adkaato ayna gartaan in madaxweyne Shariif uusan rajo laheyn.
C/kariim ayaa markii hore u olaleynayay ina adeerkiis Cali Jengali laga dhigo Ra'iisul Wasaare markii danbena ka dalbaday madaxweynaha in kursiga Wasiirnimo ee Jengali lagu fariisiyo, waxaana arrinkaasi si weyn uga dagaalamay Golaha Wasiirada iyo Ra’iisal Wasaaraha oo diiday in la badalo Jengeli sababo la xiriiro aqoontiisa iyo xirfadiisa siyaasadeed oo dheer, marka ka hor ayaa C/kariim u olaaleeyey in hadii Cumar C/rashiid la rido asaga isa soo sharaxo, guuldarooyinka ayaa curiyey in marka ay ku qanciyeen Mark Bowden iyo George Andre, ogaaladey in si aan muuqan loogu olaleeyo madaxweyne nimaadiisa, taas oo laga yaabo in ay aad u suura gasho, C/kariim ayaa hada ku jiro inuu ku guulaysto soo xero gelinta bahda Asmaro, waxaa C/karim laga yaaba in ay caqabad ku noqdaan rag culus oo dhanka madaxweynaha ah sida Ugaas Bile, Janaqow, Daahir Geele iyo Cabdulqaadir Cali Cumar. C/kariim ayaa diyaarsadey koox aqoon yahano ah oo uu ka mid yahay madax sare oo ka shaqeyn jirtay World Bank sida Dr. Caynaanshe oo hada ka tirsan xafiiska madaxweynaha. C/kariim ayaa sahley guuritaanka madaxweynaha oo qaar ka mid ah xaasaska madaxweynaha u raray dalka Turkiga halkaas u doonayo inuu ku nasiyo madaxweynaha Soomaaliya mudane Shiikh Shariif, C/kariim ayaa balanqaadey in xarakata dalka u si xoojiyo madaxda aad u sareyso sidaa mark Bowden iyo George Andre ayagana waxaa ay balan qaadeen inay sii xoojiyaan wada shaqeynta.
Shaqsiga ka tirsan International Community-iga oo qoraal kaan laga soo xigtay ayaa sheegay in ay adag tahay in laga guulaysto madaxa gargaarka UN-ka Mudane Mark Bowden iyo madaxa EU u fadhiyo Soomaaliya George Andre, bilaha soo socdana ay bilaabi doonan in wajiga siyaasadeed ee Soomaaliya la badalo. Waxaa kale oo uu sheegay shaqsiga in AU-da iyo IGAD madaxdooda lala kulan siin doono C/kariim iyo Omaar iyo C/rahman C/shakuur oo laga yaabo inay noqdaan madaxda ugu sareysa ee dalka Soomaaliya dhawaan.
C/kariim ayaa hada tageera buuxda ka heysto madaxweynaha Uganda, madaxweynaha Rwanda, iyo wasiiro ka tirsan dawlada Turkiga, C/kariim Jaamac oo sida oo kale tageero ka heysto xildhibaano Maraykan ah, qorshaha madaxweyneenimada C/kariim Jaamac ayaa u eg mid aan la celin Karin. Qaar ka mid ah International Communitiga ayaa ayagana aaminsan inuu C/kariim Jaamac uu yahay xag jir sababta oo ah magacaabidii uu magacaabey Abuukar Armaan oo uu ku magacaabey danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Maraykanka USA, oo hadiiba bilaabey inuu eedeyo dawlada, kuna sheego dabadhilif Ethiopia arrinta oo loo maleeyo inay ahayd mid muujinayso xagjirnimada kooxda C/kariim Jaamac.
Ugu dambeyntiina C/kariin Jaamac haddii laga eego dhanka dabeecadihiisa gaarka ah, waxaa lagu xantaa inuu yahay nin qabiili ah oo aan jecleyn dadyowga haatan uu ku dhex nool yahay ee caasimadda degan.
Sidoo kale, C/kariin ma yaqaano waxa la
yiraahdo Transparency and Accountability, maadaama la ogaaday tan iyo intii uu
hayay xilka Agaasimaha Madaxtooyada uusan samenin wax xisaab celin, iyadoo lagu
xanto inuu lunsaday dhaqaale fara badan oo loogu talo galay habsami u socodka
madaxtooyada iyo shaqaalaheeda.
Xoogwaran Wardoon
sirtasomaliya@gmail.com









