Wariye Goor Dhaweyd Lagu Dilay Magaaladda Gaalkacyo

2010-08-31

War goor dhaweyd naga soo gaaray Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in goor dhaweyd ay halkaas Kooxo Hubaysani ku dileen Saxafi ka tirsanaa Idaacadda Daljir.

Dilka Marxuum-ka ayaa waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay Ehelkiisa iyo qaar ka tirsan Shaqaalaha Idaacadda Daljir Laanteeda Magaaladda Gaalkacyo.

Alle Ha U Naxariistee C/llaahi Cumar Geedi ayaana la ogayn ilaa hadda cida dishay iyo waxa uu la xariiro Dilka Marxuum-ka.

Sikastaba ha ahaatee Ciidamadda Amaanka Magaaladda Gaalkacyo ayaa wadda baaritaano ay ku ogaanayaan Ciddii ka dambaysay falka lagu dilay Marxuum-ka.

WaryaTv Gaalkacy0-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com