Shabbeel Nool Oo Laga Dhex Helay Boorso

2010-09-01

Garoon-ka Dayuuradaha ee Magaaladda Banngkok ee Caasimadda Dalka Thailand ayaa laga helay Haweenay 31-sano jir ah oo Boorso qaab dhuumaalaysi ah ugu wadatay Shabeel dhalad ah,sidda laga soo xigtay Wild Life Trade Mnitoring Group Traffic,kaasoo Caafimaadkiisa lala tacaalayo oo lagu xiray qalab siinaya Oxygen iyo Biyo.

Haweenaydda oo lagu Magacaabo Piyawan Palasarn ayaa Boorsadeeda la saaray X-ray markii Culayskeeda aad loola yaabay,waxaana durbaddii laga helay Shabeelkaan aad-ka u yar oo daal iyo Rafaad baaxad leh ka muuqday.

Piyawan Palasarn oo haddii ay Shabeel-kaan ula talaabi laheyd Jamhuuriyadda Iiraan ku heli laheyd Adduun Lacageed oo gaaraya 100,000 Bht Lacagta Thailand ama 2,060 Pound,ayaa ku doodaysa in uu shaqsi kale ka codsaday innay u Xambaarto Shabeel-ka.

Sikastaba ha ahaatee Haweenaydaan ayaa haddii uu ku cadaado dambigaas ay Shabeel-ka Dhaladka ah ku dhoofinaysay la dul dhigi doonaa 4-sano oo xarig ah iyo ganaax Lacageed oo gaaraya 40,000 Baht ama 824 Pound.

Saciid C/llaahi Kulmiye ''Nadaara''
WaryaTv Nairobi-Kenya
saciidnadaara@hotmail.com

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com