Obama 'Dagaalkii Ciraaq Wuu Dhammaaday
Madaxweyne Obama ayaa sidii uu ballan qaaday ku dhawaaqay in si rasmi ah uu u soo dhamaaday hawlgalkii ciidamada Maraykanka ee Ciraaq, waxaana uu sidaasi ka sheegay Khudbad dhinaca Tilifishanka laga baahiyay oo uu ka jeediiyay xafiiskiisa aqalak Cad ee magaalada Washington.

Obama Oo U Mahad Celinaya Askartii
Ka Soo Dagaalantay Dalka Ciraaq.
Madaxweyne Obama ayaa khudbadiisii oo dadka maraykanku aad u sugayeen ku sheegay in ciidmada maraykanka ee ku suganaa Ciraaq ay si fiican u guteen hawshii loo diray, waxaana uu tilmaamay in dadka maraykanku ay wax badan u hureen dimuqraadiyadda iyo madaxbanaaida Ciraaq.
Obama Iyo Ciidamadda Maraykanka.
Madaxwyene Obama ayaa ka gaabsday in uu guul sheegto hase ahaate waxaa uu tilmaamay in bog cusub uu furmay.
Ku dhawaad 50 kun oo askarta maraykanka ah ayaa ku hadhi doona Ciraaq, iyada oo ay dhamaan ka soo wada bixi doonaan dhamaadka sanadka soo socda ee 2011ka.
Madawxyne Obama ayaa sheegay in hawsha cusub ee uu Maraykanku ka qaban doono Ciraaq ay tahay taageeridda iyo la talinta ciidamada ammanka ee ciraaq, iyo sidii ciidamadaas looga taageeri lahaa la dagaalanka argagxisada.
Madaxweyne Obama ayaa khudbada xalay ku sheegay in qaar ka mid ah ciidmada Ciraaq ka baxaya loo qaadi doono Afghanistan oo uu dagaalka lagula jiro Taalibaan ku dhowyahay in uu toban jirsado.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in hadda ka dib awoodda la saari doono dib u soo noolaynta dhaqaalaha maraykanka, iyo soo celinta malaayin fursado shqo oo ku lumay hoos u dhacii dhaqaale ee maraykanka Saameeyay.
WaryaTv Nairobi-Kenya









