Wasiirka Maaliyada Oo Sheegay Inay Cashuurtii Adhiga Kordhiyeen
Hargeysa (Warytv.com), Wasiirka maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa daboolka ka qaaday inay jiraan cashuuro la kordhiyey, waxaanu sheegay in cashuurtii dhoofka xoolaha noola lagu dhordhiyey nus doolar (half dollar).
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in
macsiishada kacday ay tahay wax jira, taas oo ku tilmaamay mid bilaa xad ah, waxaanu
intaas raaciyey in aanay ganacsadayaashu ogolayn habka dawladnimo, mar uu
arrimahaas ka hadlaayeyna waxa uu yidhi
Cashuurta Adhiga
“Haddaad Maqasheen Cashuurta
Adhiga Ayey Kordhiyeen, Badhkaas (Nus Doollar) Ayuun-baannu ku Darnay,”
Cashuurta Maciishada
“Dhinaca muciishadda kacday waa
bilaa xad.. Laakiin tijaartu dawladnimadda ma ogola, mar haday Madaxweynaha,
haystaan cid kale waxba
Waa markii ugu horaysay ee uu
wasiirku daboolka ka qaado inay koradhay cashuurtii laga qaadi jiray calaa neef
marka ay dhoofayaan xooluhu, gaar ahaana adhigu.
Xafiiska Wararka Ee Waryatv
Hargeysa/Somaliland
Reported by
Ibraahim Abdirahman Qaasim
Qaasim









