Golaha Deegaanku Waa Mudo Dhaaf + Xisbiyada Siyaasadana Waa In La Furaa
Hargeysa (Waryatv.com), Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi ayaa maanta ka hadlay aragtiisiisa ku wajahan hanaanka xisbiyada badan in dib loo furo, waxaanu sheegay in xisbiga kulmiye markuu uu ku jiry olalihii doorshooyinka inuu badan qaaday furitaanka xisbiyada.
Isaga
oo xildhibaanku arrintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi
“Waxa
jirta balan uu xisbhiga kulmiye qaaday wakhtigii lagu jiray ololaha doorashada
madaxtooyada, waxa uu heshiis la galay urur siyaasadeedkii Qaran, Waxa kale oo
ay heshiiis la galeen garabkii uu hogaaminayay Axmed X Cali Cadami, mar kale oo
ay dad kale wada hadleen, waxa uu balan qaaday (Axmed Siilaanyo) in la furi
doono ururo, ujeedaduna waxa ay tahay haddii la doonayo in la soo afjaro
dimuqraadiyada ha lagu daayo wixii jiray, haddii la doonayo in dumuqraadida la
badhaadhiyo oo ay dadku si xor ah uga qayb galaana waa in la furaa habka
xisbiyada badan”
Sidoo
kale Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi ayaa ka hadlay arrimaha
doorashooyinka golaha deegaanka, guurtida iyo ta golaha wakiilada
Waxaanu
talo ahaan iyo sharciyin soo jeediyey xildhibaanku in xayndaabka sharciga lagu
soo celiyo qolada (Golaha Deegaanka) ee uu wakhtigoodu dhamaaday, waxaanu
sheegay in golaha wakiilada ay mudo aan ka badnayn bi lama laba bilood u
hadheen.
Sidoo
kale Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi ayaa sheegay in uu si weyn u
saluugsan yahay hanaanka dimuquraadiyada, gaar ahaan dhanka xisbiyada ka jira
dalka, isaga oo ku dhaliilay inay baal marsan yihiin habka dimuquraadiyadu ay
tahay
Xafiiska Wararka Ee Waryatv
Hargeysa/Somaliland
Reported by
Ibraahim Abdirahman Qaasim
Qaasim









