Urur-ak SOJYO Oo Cambaareeyay Dilkii Wariye C/llaahi C. Geedi
Ururka dhalinyarda suxufiyiinta soomaliyeed ee SOJYO ayaa si kulul ucambaareeyay dilkii xalay loo geeystay wariye C/llahi Cumar Geedi oo ahaa mid kamid ah wariyaashii ka howlgali jiray idaacada Daljir ee magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska SOJYO ee magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay dilkii xalay magaalada Galkacyo loogu geeysatay Marxuum C/llahi Cumar Geedi in uu ahaa fal waxuushnimo ah oo ka dhan ah shareecada islamka iyo xeerarka udagan caalamka gaar ahaan kuwa saxfiyiinta.
Ururka SOJYO waxay ku tilmaameen kooxihii fuliyay dilkii Marxuum wariye C/llahi Cumar Geedi kuwoo calooshood u shaqeystayaal ah oo anan garanaynin mihiimda saxafiga uu uleyahay bulshada.
Waxay ugu baaqayaan ururka sojyo maamulada Putland iyo Galmudug inay iska kaa shadaan baritaan buuxa oo lagu eegayo cidii ka dambeysay dilkii Marxuum C/llahi Cumar Geedi.
falkii lagula kacay wariyahaasi waxuu lid ku ahay howlaha saxafiyiinta ka howlgala guud ahaan somaliya gaar ahaan maamulada Putland iyo Galmudug.
Ugu dambeyntiii Ururka dhalinyarada suxufiyiinta SOJYO waxay ku baaqayaan in saxafiyiinta somaliyeed ay u midoobaan cadawga caadeeystay ciribtirkooda doonayane curyaaminta howlahooda saxafinimo.
W/Q: Maxamed Cisman Cumar Xabiib









