AC Milan Oo Ku Guuleysatay Saxiixa Robinho
Kooxda Ac Milan ee dalka Talyaaniga ayaa ku guuleysatay saxiixaha xidiga reer Brazil iyo kooxda Man City Robinho oo mudo la saari wayay meesha uu sal dhigan doono mustaqbalkisa Ciyaareed.
Kooxda Ac Milan ayaa xidiga Robinho ku soo iibsatay aduun gaaraya €18 million isaga oo saxiixay heshiis mudo Afar sano socon Doona.
Tvga Sky Television ayaa ayaa baahiyay muuqalo Robinho uu gashan funaadna kooxda Ac milan isagaa oo xidigasi si toos ah kooxda Ac Milan ugu biiray gelin ki i danbe ee maalinki talaada ahayd.
Kooxda Ac Milan oo ayaa door muuqda ka ciyaartay xili ciyaareedkan Suuqa kala gadashaday ciyaartoyga ee qaarada yurub markii ay wax ka yar 6 maalmood gudahood ay gacanta ku dhigtay labo xidiga oo sameyn balaaran qaarada yurub ay heshay.
Robinho waxa ka horeeyay oo ay kooxda Rosonerina xalaaleysatay xidigii kooxda Barcalona iyo Xulka Swedan Zlatan Ibrahimovic oo isagu si toos ah uga mid noqday kooxda Ac Milan.
Madaxweyne ku xigeenka kooxda Ac Milan Adrail Galani oo Warfideenka la hadlay ayaa muujiyay in Milan ay hada wixii k adanbeeyay ay isan koox ka dhisan qaarada yurub cabsi gelin doonin mada ay heshay labo xidig oo muhim ah.
Robinho oo isagu mulkiyadiisa ay lehayds kooxda Ac milan lix biloodna qaab abaah ahaan ah ula joogay kooxda Sandos oo ka dhisan isla dalkisa hooyo ee Brazil ayaa sheegay in ay Milan thay koox weyn oo qaarada yurub caan ka ah uuna natiijo wanaagsan u keeni doono mudada Afarta sano ah ee uu la joogo.
Robinho ayaa ku biiraya xidigaha reer Brazil ee ku sugan garoonka San siro ee kooxda Ac milan kuwaso kala ah A.Pato, Ronaldinho, and Thiago Silva isaga oo tirada Braziliyan ka ah ee jooga Garoonka san siro ka dhigaya Afar.
Ka tagitaanka Robinho ee kooxda Man Ciy aya timid markii boos joogta ah looga wayay kooxda Man City madama ay xili ciyaareedkan kusoo biirin ilaa 6 xidig oo cusub.
Robinho oo ka mid aha xidigihi xulkan Brazil uga qeyb galay kobka aduunka ee sanadkan ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxda reer Boqortoyo ee Real madird iyada oo in September ee snadkii 2008dii ka mid noqday kooxda Man City oo xidigasi Real madird uga soo iibsatay aduun gaaraya City 32.5 million pounds oo marki Dolar loo bedelo noqonaysa ($50.07 million.
Robinho oo 26 jir ah ayaa si aad ah u sareysa xirfadiisa kubadeed isaga oo la filayo in uu is bedel muuqda kusoo kordhiyo kooxda reer Talyaaniga ee u hada kusoo biray,
Robinho ayaa ka hor imanaya kooxdiisi hore ee Real madrid madaama ay kooxda Real madird iyo kooxda uuu haatan kusoo biiray Ac Milan ay isku Group uga wada jiraan koobka Champions Leuge.
Xassan Maxamed Aaden Kaysar
WaryaTv Nairobi-Kenya









