Al-Shabaab' Dagaal Diyaarado Dagaal Baa Ku Soo Biiraya
Gudoomiyaha Ururka Al-shabaab ee Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen oo maanta Shir ugu qabtay Saxaafada gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in laga yaabo in dagaalada kasocda Gobolka Baandir ay Dowlada KMG Soomaaliya u isticmaasho Diyaaradaha Dagaalka.
Cali Maxamed Xuseen ayaa qiray in dagaalada ay yihiin kuwo isbedel badan xili kastana laga yaabo in Dowlada lagu taageero Diyaarado kor kaduqeeya Goobaha ay kusugan yihiin ee Magaalada muqdisho.
Gudoomiyaha Shabaab ee Banaadir ayaa shacabka ugu baaqay in ay kaqeyb qaataan Dagaalka ay kula jiraan Dowlada KMG Soomaaliya.
Masuulkaan uhadlay shabaab muqdisho ayaa waxaa uu dhinaca kale Ganacstada Suuqa Bakaaraha uu ugu digay in ay kaguuraan Suuqaas kadib markii dhawaan Gudoomiyaha dowlada KMG ee gobolka Banaadir uu ganacsatada ugu yeeray in ka guuraan suuqaasi oo ay degaan Goobaha dowlada ay kataliso.
Al-shabaab ayaa dhinaca kale maanta Saxaafada Muqdisho tusiyay labo gaari oo ah Nuuca Ambalasta loo yaqaan, kaas oo uu sheegay in loogu talagalay in lagu soo daabulo shacabkla kuwaxyeelooba dagaalada ay kula jiraan dowlada.
Si kastaba Shabaab ayaa Dagaalo xoogan kuhayao dowlada ay beesha caalamka Aqoonsantahay, taa oo laga yaabo in xili kasta ay siiso Taageero dhinjac walba ah, waxaana uu hadalkooda umuuqdaa Hor dhac afeef ah.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









