7 Qof Oo Loo Xidhay Dilkii Taliyaha Ciidaanka Asluubta Ee Laascaanood

Source: Reported by Ibraahim Abdirahman Qaasim
2010-09-01

 Laascaanood (Waryatv.com), Dilkii loo gaysty Alle ha naxariistee taliyhii ciidanka Asluubta ee gobolka Sool Cabdi Ciise Nuur, ayaa waxaa maant ka hadlay gudoomiyaha gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye, waxaanu sheegay inay ilaa hada ay gacanta ku hayaan 7 qof oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen dilkaas.

 

Waxaanu intaas ku daray gudoomiyihu in sida ugu haboon loo hor geyn doono sharciga marka la dhameeyo baadhitaanka lagu hayo.

 

Dadka la soo qab qabtay ayuu sheegay gudoomiyuhu in laga soo qab qabtay meelo kala duwan oo ka mida magaalaada Laascaanood, waxaanu intaas ku daray in ay dhamaantooda ka soo jeeda gobolka, marka la reebo hal qof oo ka soo jeeda dhanka koonfurta Somaliya.

 

Mar la weydiiyey gudoomiyaha in ay dadkani yihiin kuwo si weyn looga shaki qabo waxa uu sheegay in aanay wali jirin war cad oo sheegaya inay dhamaantood yihiin kuwo lug ku leh dilka, waxaanu hadalkiisa ku soo koobi “baadhid ayaa ku socda”

 

Warar kale oo dheeraad ayaa sheegaya in guud ahaan dadka la qab qabtay habeenkii xalay ahaa ay ka soo jeeda, isla markaana ay qayb yihiin kooxda isku magacwday SSC, taas oo ku lida ah inta badan maamulka Somaliland ee ka arimiya Sool.

 

Isku soo wada duubo ilaa hada ma jiraan warar rasmi ah oo sheegay in dadkii falka geystay ay ku jiraan dadka la qab qabtay habeenkii xalay ahaa.

 

Sida uu ku soo waramaayo wariyahayga gobolka Togdheer Saleebaan Sahal jaamaca, waxaa jira warar hoose oo ku saaban baadhitaanka dilka taliyaha, kaas oo ay wadaan ciidanka milatariga ee  ku sugan gobolka Sool.

 

 

 

Xafiiska Wararka Ee Waryatv

Hargeysa/Somaliland

Reported by

Ibraahim Abdirahman Qaasim

ibrahimqasim@waryatv.com

Qaasim

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com