Wasiirkii Hore ee Arrimah Dibadda ee Somaliland oo Xidhiidh La Soo Sameeyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland

2010-09-01

WARYA TV- Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa magaalada Jabuuti xidhiidh kala soo sameeyey wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Yoonis Cawaale, maalintii Salaasada.

 

Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa la sheegay inuu Maxamed Yoonis Cawaale u sheegay inaanay isaga iyo madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale oo muddo ku sugnaa xarunta Addis Ababa ee dalka Itoobiya aanay masuul ka ahayn xurgufta soo dhexgashay xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland hase ahaatee ay dano gaar ah u joogaan waddankaas.

 

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, wasiirkii hore arrimaha gudaha Cabdillaahi Cirro iyo wasiirki hore ee arrimaha dibadda Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa muddo ku sugnaa waddankaas Itoobiya iyagoo haatan isagoo madaxweynuhu la kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo madaxweynaha Itoobiya, Girma Woldegiorgis oo ku qaabilay xafiiskiisa. Riyaale iyo Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa haatan ku sugan Jabuuti.

 

Sawaxan siyaasadeed ayaa maalmahan ka aloosnaa xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland iyadoo arrintaas loo aananayo inay lug ku leeyihiin wefdigaas muddada ku sugnaa xarunta Addis Ababa ee Itoobiya oo uu hoggaaminayey madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale.

 

Xidhiidhkan labada waddan ayaa waxa sii cakiray ka dib markii madaxweyne Axmed Siilaanyo uu u magacaabay Safiirka Itoobiya inan 25 jir ah oo dhawaan ka qalin jebiyey jaamacadda sharciga ee Hargeysa.

 

Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa ku eedeeyey dawladda Axmed Siilaanyo inay ka buuxaan wadaado xag jir ah kuwaasoo magacyadood badankooda la filayo inay hore u sii bixisay dawladdii Daahir Riyaale.

 

Lama garanayo illaa hadda waxa ku kalifay Cabdillaahi Maxamed Ducaale inuu xidhiidh la soo sameeyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Somaliland ee uu damacsana inuu ka dhaadhiciyo wasiirk ku xigeenka inay ku lug lahayn xurgufta la sheegay inay dhex taalo xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland.

 

WARYA TV

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com