Wmiasiirka Diinta iyo Awqaafta Oo Dalbaday In Wargayska Haatuf La Hor Geeyo Sharciga.
Hargeysa
(Waryatv.com), Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland oo shalay qabtay shir
jaraa’id ayaa si kulul u dhaleeceeyey war uu ka qoray wargeyska haatuf, kaas oo
sheegaayey in masaajid uu goob joog ka ahaa wasiirku lagu soo hadal qaaday
kalmado lagu taageeraayo kooxda Al-shabaab ee ka bar bar dagaalanta dawlada ku
meel gaadhaka ah ee somaliya.
Wasiirka
ayaa hay’adaha aminga ka codsaday in sidga ugu haboon talaabo laga qaado
wargayska haatuf, wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in aanu war-kaasi sal iyo
raadtona lahayn, waxaanu sheegay in wargayska looga fadhiyo cadynta warkaas.
Sidoo
kale 15 August wargayska haatuf ayaa wasiirka diinta iyo awqaafta ku sheegay in
uu dalka ka wado khilaaf diineed, kaas oo hor seedi karta sida uu sheegay
wargaysku iska hor’imaad diineed.
Wasiirka
ayaa arrintaas in badan beeniyey, mar aanu waraysi la yeelanay wasiirka oo aanu
wax ka weydiinay khilaafka diineed waxa uu noo sheegay in aanay arrintaasi
waxba ka jirin, balse uu jiro sida uu sheegay wasiirku barnaamij uu joojiyo,
kaas oo uu ku jiray qalad ku lidi ah dhanka diinta.
Ilaa
hada maamulka wargayska haatuf
Xafiiska
wararka Ee Waryatv
Hargeysa/Somaliland
Reported
by
Qaasm









