Ciidamadda AMISOM Oo Duqaynaya Suuqa Bakaaraha
Ciidamadda AMISOM ee Nabad ilaalinta u jooga Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya,ayaa xilligaan Duqaynaya Suuqa Weyn ee Bakaaraha.
Goob joogayaal ayaa ku soo waramaya in Madaafiicdda lagu garaacayo Suuqa Weyn ee Bakaaraha laga soo tuurayo Xeradda Xalane iyo Garoon-ka Diyaaradaha.
Boqolaal Dad ah oo Saaka Ganacsi u aaday Suuqa ayaa kala carar bilaabay,iyagoona qaarkood ay ku dhuumaalaysanayaan Goobaha Shubka ah ee aan Madaafiicdu karin.
Duqayntaan ayaa imaanaya xilli Magaaladda Muqdisho Saaka aanay ka socon wax Dagaalo,lamana oga sababta keentay innay Ciidamadda AMISOM duqeeyaan Suuqa Bakaaraha.
Sikastaba ha ahaatee Goobaha Ganacsiga Suuqa Bakaaraha ayaa gebi ahaanba hakad ku yimaaday,iyadoona la ogayn ilaa hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Duqaynta AMISOM ay wadaan.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









