Midowga Yurub Oo AMISOM Ugu Deeqay 47-Milyan

2010-09-02

Midowga Yurub ayaa Adduun Lacageed oo gaaraysa 47-Milyan ugu deeqay Ciidamadda AMISOM ee Nabad ilaalinta u jooga Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

photo
Catherine Ashton oo ah Madaxa Arrimaha Dibadda Urur-ka Midowga Yurub ayaa sheegtay in Deeqdaan Lacageed ee loogu deeqay AMISOM ay qayb ka tahay taageero dhaqaale lagu siinayo Ciidamadda Midowga Africa ee Soomaaliya ku sugan iyo Ciidamadda Dowadda.
photo
Lagacahaan oo ay ku tilmaamtay kuwo lagu doonayo in lagu soo celiyo Xasilooniddii iyo kala dambaysntii Dalka Soomaaliya,ayay haddana xustay innay jiraan Lacago hor leh oo ay u qorshaynayaan AMISOM.
photo
Dalalka Brundi iyo Uganda ayaa la filayaa innay Ciidamo dheeraad ah u soo daabulaan Dalka Soomaaliya,si ay u xoojiyaan Nabad ilaalinta ay ka wadaan Muqdisho.
photo
photo
Sikastaba ha ahaatee Lacagahaan loogu diiqay AMISOM ayaa ka dhigaysa Lacagihii loogu deeqay Ciidamadda Midowga Africa  142 Milyan oo Yuuro.


WaryaTv Nairobi-Kenya

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com