Kooxda Sunderland Oo Iibsatay Asamoah Gyan

2010-09-02

 Kooxda Sunderland o ka mid ah kooxah ka dhisan horyaalka england lehna awood meel dhexaad ah ayaa si lama filaan ah usoo iibsatay weeraryahanka xulka Gana Asamoah Gyan.

Kooxda Sunderland ayaa Asamoah Gyan kasoo qaadatay kooxda Rennes oo ka dhisan horyaalka Lege 1ka dalak France iyada oo kusoo gadatay aduun lacageed oo gaaraya £13m oon lacagta yuruga ah isaga oo qalinka ku duugay heshiis mudo afar sanadood socon doona.

Asamoah Gyan oo hada mulkiyadiisa ay xalaaleysatay kooxda reer England ee Sunderland ayaa hada isku diyaarinaya maritaanka tijaabooyinka caafimaadka.

Steve Bruce oo ah macalinka kooxda Sunderland oo isagu dadaal dheerad ah u galay soo xera gelinta Asamoah Gyan oo saxafada la hadlay ayaa sheegay in kooxda Sunderland uu u furmay bog cusub maadama ay heshay mid ka mid ah weeraryahanadii sameynta xooga leh ku lahaa tartankii koobka aduunka ee kuso dhamaaday dalka South Africa.

Asamoah Gyan oo qudhiisa markii uu afarta sano saxiixay kadib la hadlay warhaaninta ayaa yiri.

Riyadan oo kale in ay rumowdo waxaan sugayay mudo badan waan ku faraxsanahay imaanshaha kooxda reer England hada dhamaan qoyskeyga waxay isku diyaarinayaan in ay soo degaaan dalka England waana wado sax ah in aan ka dheelo kooxda Sunderland ee an hada ka mid noqday ayuu yiri Asamoah Gyan.

isaga oo hadalkiisa siiwata Asamoah Gyan ayaa dareen farxad leh ka muujiyay kalsoonida fiican uu u muujiyay macalinka kooxda Sunderland.

Asamoah Gyan waxa uu si aan an qarsooneyn uga dhex muuqday xulkiisa gana tartankii koobk aduunka ee sanadkan lagu marti geliyay dalka South Africa isaga oo xulkisa u dhaliyay inta tartanku socday sidex gool oo muhimad uwada lahaa xulka gana.

Sidoo kale Asamoah Gyan waxa uu xulkisa gana ka dayacay fursad ay kusoo gari kartay wareega Afraad isaga oo xili dane oo ciyaartu ka harsanayd wax ka yar hal daqiiqo uu gool kulaad ay ku heleen xulka urugway uu goosha dhinac mariyay.

Si kastoo ay ahaato Asamoah Gyan waa weeraryahanka keliya ee ay sida joogtada ah niyadooda aan ugu go eyn taageerayaal badan oo xulka Gana ah iyo guud ahaan qaarada Africa maadama uu magacii qaarada Africa uu kor u qaaday Asamoah Gyan.
Kooxda Liverpool ee reer England ayaa dalab xoogan u dirtay Asamoah Gyan intuu uu socday tartanka koobka aduunka balse waa ay ku guul daraysatay.

ilaa hada lama xaqiijin karo waxa uu Asamoah Gyan kusoo kordhin kara kooxda cusub ee uu hadan ka mid noqday.

Xassan Maxamed Aaden Kaysar
WaryaTV Nairobi-Kenya

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com