Reer Kenya Oo Taleefoonadda U Nacay Dhimasho Deg Deg Ah

2010-09-02

 Kumanaan Kenyan ah ayaa gabi ahaanba Taleefonadooddii Gacanta Nacay oo Boosrooyin Qufulo Waaweyn ku xiranyihiin isaga xareeyay,markii ay soo baxeen Warar sheegaya in Taleefoonadda Gacanta ayba Dadka Laynayaan oo ilaa hadda ay Naftooddii u Waayeen Dad gaaraya 27,tira kalana Xaaladooda Caafimaad Takhaatiir aad u fara baddani la tacaalayaan.

Reer Kenya ayaa Maalmahaan Hawadda isku marinayay Dhambaalo ama Fariimo Naxdin Xambaarsan,kuwaasoo Dadka uga digaya innay qabtaan Nambaro Qarsoon (Private Number),iyo kuwo is dhexyaac ah oo Holac wata,kuwaasoo ku keeni kara Dhimasho deg deg ah iyo Dhaawac Dhinaca Maskaxda ah.

''Fadlan Ha Qaban Nambaradda Noocaan Ah,Haddii Lagaa Soo Waco,7888308001, 9316048121, 9876266211, 9888854137, 9876715587'',ayuu u sheegay mid ka mid ah Dadkii Argaguxu ku abuurmay isagoo WaryaTv u waramayay.

Wasiirka Warfaafinta Kenya Samuel Poghisio oo Shir Jaraa'id ku qabtay Magaaladda Nairobi ayaa falkaan ku tilmaamay mid Dadka lagu Khal Khalgalinayo.

Booliiska iyo Madaxda Shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom ayaa arrintaa ku tilmaamay dhinacooda Warqado Dadka lagu Niyad Xumaynayo.

Soomaalidda ku nool Xaafadda Islii ayaa Habaynaddii ugu dambeeyay Isaga digayay Qabashadda Taleefoon-ka Dilaaga ah ee Dadka laynaya,iyadoona Xalay Isbitaalka Madiina ee Xaafadda Islii la keenay dhowr qof oo dhibaato soo gaartay markii ay qabteen Taleefoonadaas.

Saciid Nadaara
WayaTv Nairobi-Kenya
nadaara@waryatv.com

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com