Tony Blair: Dunidu Waa Inay u Diyaargarowdaa Weerar Milatari oo Lagu Qaado Iran

2010-09-02

WARYA TV- Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Tony Blair ayaa waraysi uu bixiyey ayuu wuxuu ka digay inaan beesha caalmaka wax kale oo la gudbooni aanay jirin in dagaal milatari lagu qaado Iran mooyaane haddii ay isku daydo inay samaysato bamka nukliyarka.

“Waxaan leeyahay ma jiro xal kale haddii ay Iran sii waddo kobcinta quwadda nukliyarka waxayna ila tahay inaynu u diyaar garowno sidii looga hortagi lahaa, haddii ay lagama maarmaan noqoto in xoog milatari la isticmaalo,” sidaa wuxuu ku yidhi in yar oo laga sii daayey waraysi uu siiyay BBC-da oo uu ku shaac bixinayey bug dhawaan ka qoray noloshiisa.

“Waxay ila tahay inaan xal kale jirin oo aan mid milatari ahayni haddii ay sii wadaan kobcinta quwadda nukilyarka. Waxa loo baahn yahay farrintaas in dhegahoodu maqlaan oo weliba si waadix ah u maqlaan.” Blair ayaa arrintaas ku nuuxnuuxsaday, isagoo sheegay in Iran oo ku hubaysan bamka nukliyarka ay khatar xoog ah ku hayn doonto reer galbeedka, isla mar ahaantaan ay faafin doonto Islaamka xag jirka ah.

“Aynu runta isu sheegno. Iran waxay khatar fara badan ku haysa waddamada carbeed ee la deriska mid ka badan khatarta ay ku hayso Maraykanka iyo Ingiriiska, sidaas wuxuu ku qoray buug oo qoray oo noloshiisa ku saabsan muddadii uu ahaa ra’iisul wasaaraha 1997-2007,”. “Haddii ay Iran bamka samaysato waddamada kale ee gobolkuna way samaysanayaan, taasina waxay keenaysaa isu dheeli tir la’aan xagga awoodda gobolka oo dhacda iyo caalamka Islaamka dhexdiisaba.

Waddamada reer galbeedka iyo Israel ayaa ku eedaynay Iran inay samaysanayso hubka nukliyarka. Iran ayaa maalinta Sabtida shiidaalka ku shubaysa warshadda dhalisa quwadda nukliyarka ee Ruushku dhisay. Iran ayaa mar kasta ku doodaysa in barnaamijkooda nukliyarku uu yahay mid nabadeed.

Warya TV

 

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com