Lebanon oo Ka Codsatay Boliiska Caalamiga ah In La Soo Qabto Jeneraal Basaas ah oo Ka Baxsaday

2010-09-02

WARYA TV- Dawladda Lebanon ayaa ka codsatay Boliiska Caalimiga ah ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano Interpol inay soo saaraan waaran lagu soo xidho Jeneraal hore uga tirsanaan jiray ciidamada Lebanon oo la shaqayn jiray ciidamada sirta ee Yuhuudda ee loo yaqaan MOSSAD, wakaaladda wararka ee AFP ayaa maanta sidaas shaaca ka qaaday.

 

 

“Dadweyne u Doodaha Guud (General Prosecutor) ayaa waaran lagu soo xidhayo Qassaan Al-Jid u diray Interpol ninkaasoo loo haysto inuu taakulayn iyo gargaar siiyey ciidamada sirta ee  Israel. Dadweyne u doodaha ayaa ka codsaday Interpol inay si deg deg ah caalamka ugu qaybiyaan waaranka lagu soo xidhayo JeneraalnAl-Jid” Ilo wareed ka soo baxay garsoorka Lubnaan ayaa sidaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.


Jeneraal Jid ayaa magaciisu ku jiraa liis basaasiin ah oo loo haysto inay u shaqeeyaan Israel kaasoo u shaaca ka qaaday madaxa Xisbullah, Xasan Nasrallah, mark uu shir saxaafadeed qabtay bishii August.

Warar ka soo baxaya Lubnaan ayaa sheegay inuu Jid u baxsaday Israel ama France.


In ka badan 100 basaas oo u adeega waddanka Yuhuudda ayaa lagu qabtay Lubnaan labadii sannadood ee ugu dambeeyey, kuwaas oo ay ku jiraan shaqaalaha ka shaqeeya is-gaadhsiinta, xubno ka tirsan ciidamada amniga iyo ciidamada qalabka sida. Qaar badan ayaa loo haystaa inay gargaar u fidiyeen Israel dagaalkii ugu dambeeyey ee ay Yuhuuddu wadankaas ku soo qaaday.

Illaa immika eedaysanayaashaas ayaa shan ka mid ah lagu xukumay dil toogasho ah.

WARYA TV

 

 

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com