Suuqyada Hargeysa Oo Dad La Ciir Ciiraaya iyo Dharkii Iida Oo Qaaliyoobay

Source: Reported by Ibraahim Abdirahman Qaasim
2010-09-02

 Hargeysa (Waryatv.com), Suuqyada magaalada Hargeysa oo dad awgii ciir ciiraya iyo iibsiga dharka iida oo cirka isku shareeray, kadib markii la kordhiyey sida ay sheegeen qaar ka mida tijaarta hargeysa cashuurtii macaash macaashka ee laga qaadi jiray ganacsatada.

 

Magaalada Hargeysa goobaha laga iibsado dharka iyo labiska ayaa tan iyo 15 rabaadaan waxaa si xad dhaafa looga dareemaayey isku socodka dhanka dadweynaha oo harqiyey suuqyada.

 

Dadweynaha iyagu u soo baxay iibsashada dharka iida ayaa si weyn uga cabanaya qaaliga lagu iibinaayo dharka, waxaanay la yaabeen qiimaha kor u kacay sanadka.

 

Maraan wax ka weydiiyeyo mid ka mida ganacsadayaasha hargeysa sababta kicsay qiimaha dharka iida ee sanadka ayaa waxaa uu iigu jawaabay:-

 

“Magacaygu waa Saleebaan Yuusuf Nuur, walaal waa runtaa oo qiimaha sanadka uu kacay, marka la bar bar dhigo sanadkii hore isku mid maaha, taas sababteeduna waa cashuurtii macaash macaashka oo la kordhiyey, tusaale ahaan halkii markii hore nalaga qaadi jiray 250,000 Shl (Laba Boqol iyo Konton Kun), hada waxaa nalaga qaadaa 500,000 (Shan Boqol Oo Kun)”

 

Kaasi wuxuu ahaa saleebaan Yuusuf Nuur oo hoosta ka xariiqay cashuurta a kordhiyey sanadka.

 

Si kastaba ha ahaatee dadweyne aad u tiro badan ayaa buux dhaafiyey suuqyada magaalad Hargeysa, taas oo dadka ay suuqa ku jiraan ilaa 12 habeeno, iyaga oo ku mashquulsan kala xulashada dharka iida.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Ee Waryatv

Hargeysa/Somaliland

Reported by

Ibraahim Abdirahman Qaasim

ibrahimqasim@waryatv.com

Qaasim

 

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com