Wasiirka Waxbarashada Oo Dhagaxy Dhigay Dhismaha Iskuulka Xalane Ee Hargeysa

Source: Reported by Qaasim
2010-09-02

 Hargeysa (Waryatv.com), Wasiirka wax barashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta markii ugu horaysay dhagax dhigtay iskuulkii hore loo odhan jiray Xalane, oo ka mid ahaa iskuuladii faro ku tiriska ahaa ku yaalay magaalada Hargeysa, kaas oo aan mudo shaqayn.

 

Wasiir Samsam ayaa sheegtay inay fulinayso balan qaadkii ay samaysay xiligii ay ku jirtay ololihii doorashad madaxtooyada, waxaanay sidoo kale daboolka ka qaaday in guud ahaan fulin doonto wixii balan qaad ahaa ee ay samaysay wakhtigii ololaha lagu jiray.

 

Waa markii ugu horsay ee iskuulka xalane sidan oo kale loo dhagax dhigo, marka laga reebo wakhtigii wax lagu bari jiray kuliyadii tobabarka macalimiinta Somaliland, oo uu iskuulku helay dhisme aan dhmaystrinayn, balse mudo kadib uu xidhay

 

Iskuulka Xalane ayaa noqon doonta hadii uu taabo galo dhagax dhiga wasiir Samsam mid laf dhabar u noqda aqoonta xawliga ku socota ee ka hir gashay Somaliland.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Ee Waryatv

Hargeysa/Somaliland

Reported by

Ibraahim Abdirahman Qaasim

ibrahimqasim@waryatv.com

Qaasim

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com