Gen Maxamed Saqadhi Dubad Oo Xilkii Wareejiyey
Hargeysa
(Waryatv.com), Taliyhii ciidanka booliska Somaliland Geg:- Maxamed Saqadhi
Dubad ayaa maanta si rasmi ah xilkii u wareejiyey, kadib markii uu madaxweynaha
Xaflada
xil wareejinta ayaa ka dhacday xarunta taliska booliska
Ugu
horayn waxaa halkaas ka hadlay taliyihii hore ee ciidanka booliska Gen Maxamed
Saqadhi Dubad, waxaanu ka faalooday marxaladihii kala duwanaa ee uu la soo
maray booliska tan iyo markii xilka loo magacaabay.
Gen
dubad ayaa in badan waxa uu mahad celiyey ciidanka booliska Somaliland oo uu
sheegay inay si mug leh uga qayb qaateen hawlaha nabad galyada
Geesta
kale waxaa isna halkaas ka hadlay taliyaha cusub ee ciidanka booliska Somaliland
Cilmi Rooble (Cilmi Kabaal), waxaanu sheegay in uu halkaas ka sii wadi dooni
hawlaha booliska
Cilmi
Kabaal ayaa waxa uu ciidanka booliska ka codsaday in ay si hufan ula
shaqeeyaan, waxaanu ku bogaadiyey taliyihii hore halka uu soo gaadhsiiyey
ciidanka booliska mudadii uu xilka hayey.
Xafiiska Wararka Ee Waryatv
Hargeysa/Somaliland
Reported by
Ibraahim Abdirahman Qaasim
Qaasim









