Sheekh Maxamed Cali Geedi oo Sheegay In Aanu Wax Xidhiidh Ah La Lahayn Ururka Al-Shabaab, Kana Waramay Wixii Dhawaan Ka Dhacay Masaajidka Al-Huda
WARYA TV- Sheekh Maxamed
Sheekh Maxamed Cali Geedi waxa uu beeniyey, isla markaana uu waxba kama jiraan ku tilmaamay war sheegayey in masaajidka Al-huda dhawaan lagaga dhawaaqay in la taageero ururka Alshabaab, waxaanu intaasi ku daray in arintani sida loo sheegay aanay ahayn balse ay ahayd in wiil dhalinyaro ahi ka dhex kacay masaajidka, kaas oo ku tacliiqiyey aayadihii jihaadka ee suratul Al-tawba, isla markaana tiriyey tix gabay ah oo ina Cabdale Xasan dadka reer Somaliland ku canaantay Jihaad la’aanta.
Sheekh Maxamed Cali Geedi waxa uu sidaasi ku sheegay Shir saxaafadeed isaga, Caaqilo iyo Odayaal ka tirsan beeshiisu ay shalay ku qabteen Hotel Star, kaas oo ay si cadho ka muujiyeen kuna tiraabeen hadalo hanjabaad ah oo ku lidi ah Saxaafada Madaxa Banaan Qaarkood sida (Haatuf, Waaheen iyo Saxafi), taas oo Wariyeyaashii shirkaa Jaraa’id ku sugnaa ay u suurto gali wayday inay wax su’aalo ah weydiiyaan kaidb markii shirkaasi ay ka muuqatay dareen cadho leh.
Halkaasi oo ugu horayn warsaxaafadeedkan laga akhriyey waxa uu u dhignaa sidan:-
“Walaalayaal maalintii ay bishu ahayd 30/8/2010 ee Ramadaan 21 ay ahayd ayaamihii ugu khayrka badnaa bishan ayaa wargeyska Haatuf ku soo qoray bogiisa hore masaajidka Al-Huda ee ku yaala Hargeysa Oo lagaga dhawaaqay in la taageero Al-shabaab, intaas wargeysku waxa uu ku daray in masaajidka nin ka kacay, una sheegay dadka inay waajib ku tahay inay taageeraan jihaadka uu ku jiro ururka Al-shabaab.
Waxa kale oo ay ku darsadeen un wasiirka Awqaafta Sheekh Khaliil C/llaahi iyo Sheekh Maxamed Cali Geedi iyo culimo kaleba wakhtigaa ku sugnayeen Masaajidka wax jawaab ahna aanay ka bixinin arrintaa. Hadaan ahay Sh Maxamed Cali Geedi, waxaan halkan ka cadaynayaa dhacdadii Masjidka Al-Huda ka dhacday habeenkii 29/8/2010 taas oo ahayd wiil dhalinyaro ah oo Masaajidka ka kacay markii afartii Rakcadood ee hore la tukaday, tacliiqiyayna Aayadihii Jihaadka ee Suratu Al-Tawba ee Imaamku ku tujinayay.
Wiilkaasi wuxu ku soo daray tixdii Ina Cabdille Xasan uu u tiriyay dadka reer
Intaa ka bacdi aniga oo ku tukanaya Masaajidka ayaa ka kacay oo ka hadlay inuu masaajidkani yahay Masjidkii dacwada ee xaafada loona ogolayn in nin waliba iska jiboodo oo Masaajidka ka kaco.
Waxa kale oo aan cadaynayaa in aanan ka tirsanayn taageerina mabda’iyan iyo maadiyan toona ururka Al-shabaab. Walaalayaal Alle waxa uu inoo sheegay, haddii mid faasiqi war idiin keeno in aad iska hubisaan si aan hubsiimo la’aan cid ugu gaysan dhibaato oo hadhow aydaan ka qoomamoon.
Nabiguna (SCW) waxa uu inoo sheegay in qofka muslimka ah dhiigiisa, xoolihiisa iyo sharaftiisuba in lagu xad gudbo ay tahay xaaraan. Hadaba waxaanu leenahay bishan Ramadaan iyo tobankeeda dambe ee dadku khayr u sii jeedaan ee Allena ay baryayaan ayuu wargeyska Haatuf ku talaabsaday been abuur iyo fitan.
Hadaba:
1. Warka uu sheegay ee ah in masaajidka Al-Huda lagaga dhawaaqay in la taageero Al-shabaab waa been abuur cad oo waliba wargeyska bogiisa ugu horeeya lagu weyneeyey beentaa.
2. in masaajidka markaa uu fadhiyey wasiirka awqaaftu iyana waa been labaad.
3. in aan anigu fadhiyey wax jawaab ahna aana aanan ka bixin arinta dhacday iyana waa been saddexaad oo ah tii ugu weynayd.
Wargeyska Haatuf been abuurkaas uu sameeyey ee uu fitan ku abuurayo bulshada reer
Dhacdada labaad eek u saabsan fitanka ay sameynayaan saxaafada qaar waxa ka mid ah wargeyska Saxafi oo bishan August 28 ku soo qrtay bogeeda hore war ah “Koox turki ah oo aan la aqoonsan oo hawlo ka wada
Wetiga Turkiga ah waxay wadanka ku yimaadeen sharci dawladduna waxa ku yimaadeen sharci, dawladduna waxa yihiin iyo waxa ay u socdaanba way ogeyd. Martiqaadkii loo sameeyeyna waxa ka soo qayb galay shan wasiir iyo xubno ka socda Madaxtooyada. Rasmi ahaana madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkuna way qaabileen. Waxaanay balan qaadeen waftigaasi inay inoo samaynayaan dugsi weyn oo farsamada gacanta ah.
Wargeyska Saxafi isla warkaa waxa uu ku tacliiqiyey in hay’addu leedahay dugsiyo xadhkaha goostay oo aan laga warhayn.
Dugsiyada hay’adda hoso yimaada way sharciyeysan yihiin, wasaarada tacliintana way hoos yimaadaan oo si buuxda ayay uga warhaysaa.
Ugu dambeyn waxaanu ka codsanaynaa dawladda in wargeysada la xakameeyo oo ay ka masuul noqdaan waxay qorayaan iyo waxay odhanayaan waayo haddii kale dadka shicibka ah waxa ka dhex dhacaya fitan iyo dhibweyn, gaar ahaan wakhtigan aynu ku jiro ee xasaasiga ah. Waxaananu markale ugu baaqaynaa saxaafada inay masuul noqdaan iska hubsadaan waxa ay qorayaan wanaagana ku baaqaan xumaantana ka digaan war run ahna sheegaan, wadankana fitanka ka iyo iska horimaadka ka ilaaliyaan”.
Sidaasi waxa uu Sheekh Maxamed Cali Geedi ku sheegay Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Star ee Magaalada Hargeysa, kadib sharkaasi jaraa’id ayaa iyaguna waxa halkaasi ka hadlay odayaasha beesha Koonfur ama Koonfur Bari ee Magaalada Hargeysa, kuwaas oo hadalo ay cadho ka muuqatay kula dul kufay qaar ka mid ah wargeysyada Madaxa banaan ee ka soo baxa Caasimada.
Waxa iyaguna halkaasi hadalo ka soo jeediyey oday Cabdiwali Cabdi Jaamac, Caaqil Rashiid Maxamed iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee beeshaasi Axmed Cismaan iyo oday Caaqil Rashiid Maxamed oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Jariirada Haatufna wixii been ay sheegtay Sheekha ayaa sheegay garan maayo ujeedada ka dambaysa waxa uu uga jeedo.
Oday Cabdi Wali Jaamac oo halkaas ka hadlay waxa hadalkiisa mid ahaa “Markaan ka hadalo arrimahan imika shirka aanu u qabanay, hudheelkan aynu fadhino arrimaha lagu sheegay waxa ka mid, in lagu sheegay oo lagaga waramay inay kusoo degaan Al-shabaab, inay ku shiraan ama ay ku tashadaan baa lagu sheegay, taasi markay dhacdo dee hudheelka waxa ku shira beesha, beesha oo dhan baa markaa lagu sheegay Al-shabaab, markay taasi dhacday ee la maqlayna beeshii hudheelkan ku shiraysay way ku xuntahay warkaa laga sheegay ee aan jirin sidaa darteed waxaanu ku talinaynaa, dawlada midh baanu leenahay, anaguna midh baanu beeninaynaa, waxana weeyaan inaan arrintaa waxba ka jirin oo cidi iska samaysatay cida samaysayna ay uga jeeday in dadka la isku dhufto oo dhibaato dhexdiisa ka beeranto ayaanu anagu horta beeninaynaa cadaynaynaana in aan waxba ka jirin, markaan arintaa usoo qaato waxaan malayn karaa in looga jeedo beeluhu markii dawladan cusubi dhalatay beelihii taageeray dawladan cusub bay ka mid ahayd, beelaha yar qawadsanaa ee wixii kasoo baxay qawadsanaana way ahayd in beesha la kiciyo oo beesha iyo dadka la isku dhufto baa looga jeedaa baan leeyahay anigu, anigoo beelaha u sheegaya dalka Somalilandna u sheegaya, dawladana u sheegaya, waxa looga jeedaa oo la leeyahay beeshu wax bay qawadsanayd hala isku dhufto oo dabadeed ha kacdo, taa waxaan uga jeedaa hadalkaasi hadal beesha la isku dhufan karo inaanu ahayn, hadal aanu ku kacaynana inaanu ahayn laakiin ceebi ninkii leh uun bay fadhida. Taasi waxaanu beel ahaan leenahay oo ku cadaynaynaa Al-shabaab ma ihin waxna lama qabsano wana la ogyahay dawladaa og, dadkaa og iyo dalka, Ilaahay baa og ninkii sheegay ha soo cadeeyo “
Anigoo ah Rashiid Maxamed Samriye oo isaguna ka hadlay waxa hadalkisa ka mid ahaa oo u yidhi “laba qodob uun baan ka hadlayaa waxa ay jariidad Waaheen qortay iyo Haatuf, midina waxa weeyaan arrinka Star (Hudheelka) laga qoray, horta waa dhibaato waa ceeb dhuun baayac mushtari oo ummada oo dhami soo marto, oo cidkastaa soo mari karto oo shaah ka cabi karto haduu qofku si gaar ah oo ujeedo ah ku tilmamo ama uu ugu taabto waa dhibaato. Jariirada Waaheen haday soo cadayn weydo waxa iyadu ay qortay waliba xogogaal inay u tahay u qortay ama joornaal ha ka xigato ama cirka ha ka keento ama aniga ha iga qaado haday soo cadayn weydo afkeedanu ugu jawaabi joornaal noqon mayso kiiskeedana waxanu u daynaynaa xukuumada, xeer ilaalinta iyo CID-da iyo dawladu yaalaa iyagaanu u daynaynaa ila intay ka soo saarayso, marka wax laga qaban waayo markaasa anaga noo taalaa jawaabtaanu ka bixinaynaa Waaheen. Jariidad Haatufna wixii ay sheegtay Sheekha sheegay, garan maayo ujeeedada ka dambaysa qofku waxa uu uga jeedo waxa aan meesha ka dhicin”.
Waxaana loo fahmay hadaladan inay nimankaasi daba joogeen, maqaal uu todobaadkan soo daabacay warkays kasoo baxa dalka Kenya, oo uu ka sheekaynayey dhalinyaro soomaaliyeed oo qurbaha kaga soo biirayey ururka Al-shabaab, maqaalkan isagoo afsomali u turjumani uu soo daabacay wargeyska Waaheen, waxa dhalinyaradaasi qaarkood ay ku sheegeen waraysi ay siiyeen gabadh suxufiyad ku sheekeeyeen in ka hor inta aanay gaadhin Nairobi ay soo mareen magaalada Hargeysa, iyaga oo xusay inay magaca Hotelkii ay ku soo degeen.
Wargeyska Saxafi oo isna ka soo baxa Hargeysa ayaa isna dhawaan wax ka qoray dugsiyo farabadan oo aanay dalwaddu ka warhayn, kuwaas oo hoos yimaada haya’adda uu madaxda ka yahay Sheekh Maxamed Cali Geedi.
Dhinaca kale wargeyska Haatuf ayaa maalintii salaasadii doraad soo daabacay war sheegayey in laba cisho ka hor salaadii taraawiixda uu ka dhex kacay nin masaajidka Al-huda, kaas oo ka dhex sheegay in la taageero jihaadka ururka Al-shabaab.
WARYA TV
Source: HAATUF









