Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Dhawaaqay Maalinta Caafimaadka Qaranka
Hargeysa
(Waryatv.com), Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa
maanta soo saaray maalin u gaara caafimaadka, taas oo uu madaxweynuhu ugu magac
daray maalinta ololaha caafimaadka qaranka.
Waxa
sidaas uu ku sheegay madaxweynuhu shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay
gurigiisa, waxaana shiraaski ku wehelinaayey,
madaxweyne ku xigeenkiisa, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka
warfaafinta iyo afhayeenka madaxtooyada
Maalinta
caafimaadka loo asteeyey qaranka
Maalintan
ayaa noqon doonta maalin laga hir geliyo guud ahaan gobolada dalka oodhan,
waxaanay sida uu sheegay madaxwyenuhu wax ka tari doontaa xaalada caafimaad ee
Madaxweynaha
ayaa intaas ku daray in maalintaasi ay noqon doonto mid joogto ah, taas oo
45-kii maalmoodba laga bilaabi doono gobolada iyo degmooyinka dalka oodhan
ololaha caafimaad qaranka.
Waa
markii ugu horsay ee madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ka hadlo
xaalada caafimaad ee magaalada Hargeysa iyo gobolada, tan iyo markii uu la
wareegay hogaanka dalka.
Magaalada
Hargeysa iyo meelo badan oo ka mida
Hargeysa/Somaliland
Reported
by
Ibraahim
Abdirahman Qaasim









