Pakistan:- In Kabadan 33 Qof Ayaa Ku Dhintay Mudahaarad Ay Dhigeen Arday Shiico Ahi

Source: Reported by Saleebaan Sahal Jaamac
2010-09-03

Pakistan-Quetta (Waryatv.com), Waxaa maanta oo Jimce ah weerar bambaano ah lala beegsaday dad ku mudaharaadayey magaalada Quetta ee dalkaasi Pakistaan, halkaasi oo ay ku dhinteen dad gaaraya 33 qof halka dhaawacunna uu haatan kor u sii dhaafay 78.

Weerarkan oo la rumeysan yahay inuu ahaa mid ismiidaamin ah ayaa lala beegsaday kumanaan arday Shiico ah uu ku mudaharaadayey magaalada Quetta.

Sanad walba Maalinta Jimcaha ee ugu danbeysa bisha barakeysan ee Ramadaanka ayey ardayda shiicada ee dalkasi Pakistaan waxay qabtaan mudaharaadyo ay ku taageerayaan xoriyada dhulka la heysto ee Falastiin, waana markii ugu horeysay oo weerar bambaano lala beegsado mudaharaad noocaas ah.

Waa weerarkii labaad todobaadkan ee lala beegsado shiicada reer Pakistaan, iyadoo maalintii Arbacadii lasoo dhaafay weerar lala beegsaday shiicada ay ku dhinteen 33 qof magaalada Lahore ee dalkaasi Pakistaan.

Masuuliyiinta amaanka ee dallkaasi Pakistan ayaan ilaa iyo hadda ka hadlin arrintan waxaanna la rumaysan yahay inay dhimashadda iyo dhaawacuba intaasi ka ka badan yihiin

 

 

Reported by

Saleebaan Sahal Jaamac

Waryatv/Xafiiska Burco

Salosahal@hotmail.com

                  


Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com