Masar oo Kansal Garaysay Booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Ka dib Markii uu Ku Tilmaamay in Hoggamiyayaasha Carbeed Khiyaameeyeen Dadkoodii

2010-09-03

WARYA TV- Dawladda Masar ayaa kansal garaysay booqasho uu wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iran ku iman lahaa waddankooda maalinta Isniinta ka dib markii uu wasiirku ku eedeeyey hoggaamiyayaasha dawladaha Carabta in tallaabo khiyaamo ah ay kula kaceen ummadahooda markay ka qayb galeen wareeggan cusub ee wadahadalada nabadda ee bariga dhexe ee ka socda Washington.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Manuusheher Mottaki ayaa qorshihiisu uu ahaa inuu booqasho ku yimaado Qaahira, xarunta dalka Masar oo lagu qabanayey shir ay isugu imanayeen xubnaha Dhaqdhaqaaqa waddamada siyaasadoodu dhexdhexaadka tahay (Nonaligned Movement members).

 

Waddamada Carabta ayaan xidhiidh wanaagsan la wadaagin waddanka Iran iyagoo ka xun awoodda waddanka Iran ee gobolka oo sii kordhaysa iyo iyagoo shaki badan ka qaba hubka nukliyarka ee ay Iran samaysanayso iyo taageerada ay siiso ururada Xamaas iyo Xisbullah.

 

Mottaki ayaa wuxuu yidhi hoggaamiyayaasha Carbeed ee ka qayb galay dib u bilaabidda wadahadalada  nabadda ee Falastiin iyo Israel ee toddobaadkan ka bilowday Washington waxay “khiyaameeyeen ummadahoodii”.

“Hoggaamiyayaasha qaar …….amarka ka qaata dalka Maraykanka waa inay fahmaan inay ummadahooda khiyaameynayaan,” wakaaladda wararka ee Iran ayaa sidaa laga soo xigtay maalintii Talaadada.

Madaxweynaha Masar Xusni Mubaarak iyo boqorka Urdun Boqor Cabdallaha Labaad ayaa ka qayb galay wadahadaladaas.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ayaa u yeedhay sii hayaha jagada safiirka ee Iran ee Qaahira fadhiya si loo wargeliyo in dawladda Masar ay kansal garaysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ku iman lahaa Masar maalinta Isniinta isla mar haantaana dib loo dhigi doono shirka Waddamada Siyaasadoodu dhexdhexaadka tahay.

Waddanka Iran ayaa xidhiidhka u jaray waddanka Masar ka dib markii Masar heshiis nabadeed la saxiixatay Israel 1979kii isla mar ahaantaana magangelyo siyaasadeed u fidisay Boqorkii hore ee Iran Shah Mohammad Reza Pahlavi.

 

WARYA TV

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com