Obama iyo Reerkiisa Oo Lagu Xidhiidhiyey Inay u Shaqayn Jireen CIA-da

2010-09-03

WARYA TV- Madaxweyne Obama-  iyo hooyadii, aabihii, adeerkiis (hooyadii qabay) iyo ayeeyadii—dhammaantood waxa ay lug ku lahaayeen hay’adda sirdoonka ee Maraykanka ee CIA, taasoo dad badani rumeysan yihiin in ay tahay sababta uu Obama u ammaano CIA-da iyo sababta uu uga gaabsaday in denbi lagu soo oogo saraakiishii CIA-da ee denbiyada lagu soo oogay.

Warbixin cusub oo lagu daabacay ““Rock Creek Free Press” bishan September ayaa uu shaaca ka qaaday Wayne Madsen oo ah weriye baadhitaan ku soo sameeyey arrintaas in Obama hooyadii, Ann Dunham, ay uga shaqayn jirtay CIA-da meelaha ay ka mid yihiin East West Center oo ku taal University of Hawaii, U.S. Agency for International Development(USAID), and the Ford Foundation. East-West Center ayaa in badan ahaan jirtay xarun CIA-du ku adeegato oo laga maamulo gobolka Aasiya.

Waxa intaas dheer in Obama aabihii marka hore ee Kenya laga soo qaaday uu yimi Hawaii kuna yimi halkaas barnaamij ay CIA-du wadday oo ujeedadiisu ahayd in niman afrikaan ah la tababaro oo ay kaga faai’deysato CIAD-du hawlgalladii la xidhiidhay dagaalkii qaboobaa ee ay berigaa kula jiraan Ruushka. Obama aabihii wuxuu furay hooyadii, Ms Dunham, 1964kii.

Ms Dunham waxay sannadkii ku xigayba ay guursatay Lolo Soetoro oo u dhashay Indonesia, oo ahaa nin CIA-da ka caawiyey af-gembi lagu sameeyey madaxweynihii Indonesia ee Sukarno kaasoo ay ku naf waayeen dad ka badan hal milyan oo qof.

Obama hooyadii waxay dhigi jirtay af-ingiriisiga oo waxay u shaqayn jirtay hay’adda loo yaqaano USAID oo ay CIA-du  hawlaheeda la xidhiidha koonfur-bari ee Aasiya ay ku fushan jirtay.

Ms. Dunham waxa kale oo ay socdaal ku martay waddamada kala ah Ghana, Nepal, Bangladesh, India iyo Thailand iyadoo ka shaqayn jirtay mashaariic dadka masaakiinta lacag lagu aamaahiyo oo ay meherado ku samystaan.

Obama ayeeyadii, Madelyn Dunham- oo Obama soo korisay inta ay hooyadii hawl gallada ugu maqnayd waddanka Indonesia- waxay iyaduna guddoomiye-ku-xigeen ka ahayd Bank of Hawaii oo ku yaal Honolulu, kaasoo isagan ay CIA-du ku shaqaysan jirtay.

Obama ayeeyadii waxay gacanta ku hayn jirtay lacagayowga ay CIA-da u dirto “keligood taliyayaasha ay dalwladda Maraykanku gargaarto” oo ay ka mid ahaayeen madaxweynihii Phillipines Ferdinand Marcos, Madaxweynihii Koonfurta Vietnam Nguyen van Thieu iyo madaxweynihii hore ee Indonesia, Suharto.

Obama hooyadii ninikii ay guursatay ee u dhashay Indonesia wuxuu isna ahaa nin u shaqeeya CIA oo hawshiisu ahayd sidii Ruushku aanu cag u soo dhigeen Indonesia marka la afgembiyo Sukarno.

“Madaxweyn Obama qudhiisu wuxuu u shaqayn jiray 1983kii Business International Corporation, oo CIA-du ku shaqaysan jirtay una qaban jirtay siminaaro hoggaamiyayaasha dunida ugu xoogga weyn isla mar ahaantaa waxay isticmaali jireen suxufiyiinta, arrintana wuxuunbay la xidhaadhay shaqadii ay hooyadii qaban jirtay,” sidaa waxa yidhi Madsen oo ah wariya baadhitaanka soo sameeyey.

Waxa iyaguna markoodii hore lug ku lahaa CIA-da George Bush oo aabihii iyo awoowgiiba u shaqayn jireen CIA-da oo iyaga buugaag badan laga qoray. Balse Obama ayaa si xariifnimo leh u qariyey xidhiidhka uu la leeyahay CIA-da iyo xidhiidhka ay la lahaayeen hooyadiis, aabihii, adeerkii (hooyadii qabay) iyo ayeydiis.

CIA-da ayaa lug ku leh cidda fadhiisanaysa Aqalka Cad, arrintaasina waxay aad u soo shaacbaxday markii George Bush-kii weynaa, oo ahaan jiray agaasimaha hay’adda sirdoonka, uu noqday madaxweyne. Arrintan ah inay CIA-du dabada ka soo riixdo madaxweynayaasha la dooranayo ayaa ah mid aad looga qariyey dadka maraykanka oo aan aqbaleen arrintaas.

Tusaale ahaan, CIA-da ayaa afgembiday dawladdii dimuqraadiga ahayd ee Iran 1953kii. Afgembigaasi wuxuu dhacay markii dawladda Iran ay la wareegtay sharaa’igii Saliidda ka dib markii lagu qabtay British Petroleun inay xisaabo is-dhaafiyeen, taasoo berigaas loo yaqaanay Anglo-Iranian Oil Co.

Tusaale kale waxa weeye in CIA-du ay si sharci darro ah dunida uga soo qabqabsato dad muslimiin ah taas oo ah mid dastuurka maraykanka lid ku ah.

WARYA

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com