AMISOM Oo Muqdisho Ka Samaystay 9-Saldhig Oo Cusub

2010-09-03

 Ku Xigeenk-ka Howl-galka Midowga Africa  ay ka waddo Soomaaliya Wafula Wamunyinyi oo Maanta Shir-Saxaafadeed ku qabtay Magaaladda Nairobi gaar ahaana Hotel Sarena ayaa ka Warbixiyay Talaabooyin Muhiim oo ay Ciidamadda AMISOM ku talaabsaddeen intii ay ku sugnaayeen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.



Wafula Wamunyinyi ayaa Shirkiisa Jaraa'id ku sheegay innay 5-ttii Bilood ee ugu dambaysay Ciidamadda AMISOM ay gacanta ku dhigeen 9-Goobood,ayna Dagaaladdii ugu dambeeyay ku dileen 300 oo Dagaalyahano ah,iyadoona aysan jirin cid kale oo Warkaas Xaqiiqsatay.



Soomaaliya ayaa haatan waxaa ku sugan Ciidamo gaaraya 7,200,iyadoona ay wadada ku jiraan tiro kale oo baddan si loo gaarsiiyo 8,000 oo Askari.

Midow-ga Africa iyo Diplomaasiyiin ayaa wada qorshe Ciidamadda Nabad ilaalinta Soomaaliya u jooga lagu gaarsiinayo 10,000 ilaa 20,000 oo Askari.

Wafula Wamunyinyi ayaa dhimaca kale sheegay innay Midow-ga Africa wadayaan Tababaridda iyo Qalabaynta Ciidamadda Soomaaliya,balse waxaa uu xusay innay arrintaas muddo dheer ku qaadanayso si loo helo Ciidamo Soomaaliyeed oo Nabadda sugi kara.

Xukumadda Uganda ayaa dhawaan ka dhawaajisay innay 10,000 oo Askari u dirayso Muqdisho,haddii uu Maraykan-ku ka Caawiyo dhinaca Saadka iyo Dhaqaalaha.

Wafula Wamunyinyi ayaa ugu dambayntii waxaa Su'aalo waydiiyay Saxafiyiintii goobta ku sugnaa oo isugu jiray Soomaaliya iyo Ajaanib,waxaana ka mid ahaa Axmed Hassan Khayre,iyo Maxamed Royter.

Waxaa uu ka meer meeray Wamunyinyi ka Jawaabidda Su'aal uu waydiiyay Wariye Axmed Kheyre,taasoo aheyd in Shalay Odayaasha Beelaha Hawiye ay Shaaciyeen in Ciidamadda AMISOM ay Duqeeyaan goobaha ay ku suganyihiin Shacbiga sida Suuqa Weyn ee Bakaaraha.

Wariye Maxamed Royter ''Haddii La Soo Dhamaystiro Ciidamadda ay ku yabooheen Dalalka ku jiray Midowga Africa Suurta Gal Ma Noqon Kartaa In Ay Soomaaliya Nabad Ku Soo Dabaalaan Meeshana Ka Saaraan Xoogaga Islaamiyiinta Ah Ee Dhibaatadda Ku Wadda Shacabka''?.



'' Way Innoogu Jirtaa Qorshaha Sidda Ugu Dhaqsiyaha Baddan In Aan La Wareegno Goobo Ay Gacanta Ku Hayaan Kooxaha Nabad Diidka Ah Marka Ay Noo Soo Dhamays Tirmaan Ciidamadda Iyo Qalabka Milateri ee aan filayno'',ayuu yiri Wafula Wamunyinyi.

Haddaba,Dagaaladdii ugu dambeeyay ee ka dhacay Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa ku Nafwaayay Dad Rayid ah oo Boqlaal kor u dhaafaya,iyadoona sidoo kale ay Naftooda ku waayeen 5-ka tirsan Ciidamadda AMISOM ee Nabad Ilaalinta u jooga Muqdisho.



Saciid C/llaahi Kulmiye ''Nadaara''
WaryaTv Nairobi-Kenya
saciidnadaara@hotmail.com

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com