Uefa Oo Mamnuucday Turunbaha Vuvuzela

2010-09-03

Ururka kubada cagta ee qaarada europe ee marka magacoda lasoo gabiyo looyaqaan Uefa Ayaa soo saaray sharci Cusub oo uu Garoomada europe kaga mam nuucayo in ay Taagerayasha la dhex yimadaan turunbaha ay reer South Africa aadka usoo sahacbixiyeen Ee looyaqaan vuvuzelas.

Vuvuzela2
Kadib kulan wada watishi ah oo ay isgu yimadeen xubaha ururkaasi ayaa ugu danbeyn laga Soo saartay war qoraal ah oo Qodobeysan kasoo oo taageerayasha kala duwan ee Naadiyada qaarada yurub loogu digay is ticmaalka turunbaha vuvuzelas.

Masuliyinta Uefa ayaa sheegay in mamnuucida turunbaha ay ka danebeysay kadib markii ay Ogaadeen xog dheeraad ah oo ku Saabsan in ay san ciyaartoyga ku dhex jira garoonka ee Ciyaaraya kubada aysan marnaba xamili karin dhawaaqa turunbaha vuvuzelas oo jawiga Ciyaarta ka dhigaya mid bedelan maadama ay taageerayasha labada dhinac ay is Ticmaalayaan yeerinta turnbahaasi isagoona aad uga dhawaaq dheer qalabka kale ee ay Taageerayasha adeegsadaan.

Turubaha vuvuzelas oo aad uso shaacbaxay tartankii koobka aduunka ee sanadkii ugu Horeeyay lagu marti geliyo qarada Africa ayaa waxa so shaacbixiyay Dadweynaha reer South Africa oo inta kale dunida ku faafiyay isticmaalka vuvuzelas.

Sharciga cusub ee ay Uefa ku mamnuuceyso oo ay sheegeen in taageerayasha naadiyada ee Xili ciyaareedkan ka qeyb galaya tartanka koobka Champions luege,Europian leuge iyo is Reeb reebka koobka Euro 2012 aan vuvuzelas lagu dhex arki doonin Dhamaan kulamadasi oo idil taasina waa sharciga cusub ee ay soo sareen Uefa.

No Vuvuzelas


Go'aankan ay soo saartay Uefa waa mid ay damacsan yihiin in ay ku yareen xamaasada Taageerayasha oo inta badan xamadasooda iyo qelyadooda taageeranimo ku xoojiyay Turunbaha vuvuzelas oo koobka aduunka noqday mid ay taageerayasha ku xoojiyaan Difoosahooda.

Dhaqan galka joojinta vuvuzelas ayaa si toos ah u bilaaban doona tartana is reeb reebka koobka Euro 2012 oo hada si toos ah garoomada qaarada yurub uga bilowday.

Xassan Maxamed Aaden Kaysar
WaryaTv Nairobi-Kenya

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com