Hanbalyo Iyo Bogaadin Ku Socota Sheekh Aadan Seero Iyo Wadaaddada Kale ee Somaliland
2010-09-04
Salama Calaykum Waa Raxmatullaahi Waa Barakaatuhu.Ramadaan Kariim Dhamanba Shacabka JSL guddo iyo Debbed.
Waxaan Maanta anigga oo aan in muddo ah waxba qorin qalinka u qaatay in aan halkan hanbalyo iyo bogaadin uga dirro halyey Somalilander, Mudaawin Xalaal ah,Geesi aan Gaban, Sheekh Qaariya oo Qaderin Mudan Kamidda Culimadda Somaliland kuwooda ugu Sharafta Mudan Siddoo Kalena ay ka Dhab tahay Somaliland-nimadu, oo ah sababta aan ugu hanbalyaynayo. Waa Kuma Haddaba Halyaygaa Wadaadka Ahi Waa Sheekh Aadan Seero ALLAHA awoodda badan waxaan uga baryayaa in uu danbigiisa dhaafo, Waxaan ALLAH awooda badan ka baryayaa in uu Culimada Somaliland oo dhan Aadan Seero oo Kale Ka Wadda Dhiggo,Waxaa Hubaal ah oo aan caad saarayn in Sheekh Aadan Seero Yahay Halyey Qaran oo ay ka go'an tahay Somaliland-nimadu, Hadddii Culimadda Somaliland Sidda Sheekhaas ay Somaliland uga dhab tahay ay iyaguna Noqdaan Waxaa Hubaal Ah in aynu Ka badbaadayno Dagaalka Ka Socda Koonfur Somaliya Iyo Kooxaha is gaalaysiiya ee Qoloba Qollo Gaallo Ku Sheegto,Waxaa Hubaal ah In Wadaaddo badan oo Somaliland jooga ay Qarsanayaan Wax aan Somaliland Dani ugu Jirin oo Meello Kale looga gacan haadinayo. Waxaa Hubaal ah kooxaha Wadaaddo badan oo Somaliland Dhexdeedda jooga oo imika gacan shisheeye ku jirto haddiii ay jaanis innoo hellaan in sidda loo daba qabateeya dheeraandoonto.
Haddaba Haddii aynu nahay Shacabka JSL wa in aynu gacansiinaa wadaadda Somaliland-nimadu ka dhabka tahay ee aan waxba hoosta ku qarsanayn mowqifkooduna yahay Somaliland, si aan uga guulaysano kuwa Cadowga ku Ah Jirritaankena Iyo horumarkeena Nabaddeena ee gudaha Somaliland iyo Debbeddba jooga. Waxaan Sheekh Aadan Seero Iyo Wadaadda Kale ee Somaliland jiritaankeedda Daacadda ka ah ugu hanbalyaynayaa Mowqifka Geesinimada leh ee ay is taageen iyo Hadalka Geesi Nimada leh ee ay shacabkoodda u jeediyaan Maalinkasta.
Waxaan Kale oo ugu bushaarraynayaa Haddii aanu Nahay Dhalinyarada Somaliland Gaar ahaan Kuwa Qurbaha jooga in aanu Somaliland Difaaceedda Naftayadda iyo maalkagaba Ku Bixinayno Haddii ay Noqoto In jiritaanka SOmaliland Dhiig loo Shubbo aano u shubayno Si aanu Qarankeenna iyo Jiritaankiisa U difaacno. Waxaan Sheekh Aadan Seero iyo kuwa la midka ah ee Geesiyada ah ugu celinayaa In aad Shacabka ka Wacyi Gelisaan Kuwa danaha Gaarka ah leh ee doonaya in aynu Xamar oo kale noqono, weliba anaga ayaa idin garab taagan ee aad farta ku fiiqdaan oo tidhaahaan hebel iyo hebel SUN ayay qaybinayaan ee hala qabto.
F.G: Sheekh Aadan Seero isma Naqaan Laakiin Waxaanu Walaalo Run ah ku nahay Somaliland-nimad.
ILLAHAY waxan shacaka Somaliland uga Rajaynayaa in uu Danbgigoodda dhaafo badheedhaha iyo Nabaddana u siyaadiyo.
Cali Kayse Kabadhe
Netherlands/ Amsterdam
calikayse@live.com









