Ciidamo Itoobiyaana Oo La Sheegay In La Soo Dhoobay Jiida Hore Ee Wajaale iyo Aw Bare

2010-09-04

Hargeysa (Waryatv.com), Maamulka fadaraalka Itoobiya ayaa si weyn u adkeeyey xadka dhanka galbeedka ee uu la wadaago Somaliland, taas oo dad badan ku abuurtay tuhun sal dheer.

Mar aan goor dhawayd khadka telephone-ka kula xidhiidhay mid ka mid dadka degan gobolka Awdal, gaar ahaan Boorame ayaa ii sheegay in ay jiraan ciidamo itoobiyaana oo la soo dhoobay xadka Somaliland la wadaagto itoobiya, gaar ahaana wajaale iyo Aw Bare.

Qofka aan la xidhiidhay oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa intaas iigu daray in la adkeeyey dhanka isku socodka gaadiidka, isaga oo waliba intaas ii raaciyey in deegaanka Aw Bare gaadiidkii tagi jiray badhitaankooda la adkeeyey.

Mar aan weydiiyey sababta ciidaanka itoobiyaanka ah loogu daadiyey xuduuda ay Somaliland la leedahay itoobiya iyo waliba ujeedada loo baadhayo gaadiidkii tagi jiray Aw Bare wuxuu ii sheegay inay itoobiyaanku shaki ka qabaan dad uu ku sheegay argagixiso, ama kooxaha ka bar bar dagaalamaya DKMG ah ee Somaliya oo ka soo talaabi kara dhanka Somaliland.

Sidoo kale ilaa hada ma jiraan warar ka soo baxay dhanka Somaliland oo ku wajahan sababta ciidanka itoobiyaanka ah loo dhoobay xuduuda, iyadoo labadii maalmood ee ugu dambeeyey la dareemayey dhaq dhaqaaqa ciidanka itoobiya.

Geesta kale todobaadkii la soo dhaafay waxaa jiray warar aan sal iyo raad lahayn oo sheegayey in uu xumaaday xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya, taas oo uu beeniyey wasiir ku xigeenka Arrimaha dibada Somaliland Md Maxamed Yoonis Cawaale, mar aanu waraysi gaara la yeelanay.

Isku soo wada duubo ilaa hada ma cada sababta itoobiya shakiga uga muujiysay in kooxaha mayalka adig uga soo talaabaan dhanka Somaliland, taas oo aan hore u dhicin tan iyo intii ay bilaabmeen kooxaha argagixisada ahi.

Hargeysa/Somaliland

 ibrahimqasim@waryatv.com
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com