Wasiirka Duulista iyo Hawada Oo Ku Adkaystay Go’aankii Uu Burco Kaga Kexeeyey Gaadhigii Dab-damiska Ahaa
Hargeysa (Waryatv.com), Wasiirka duulista iyo hawda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa markii ugu horsay daboolka ka qaaday sababta uu gaadhigii dab-damiska ahaa ee Burco yaalay uga qaaday, isla markaana u geeyey Berbera.
Talaabada uu wasiirku kaga hadlay ayaa ka danbaysay kadib markii ay soo if baxeen cabashooyin ka soo baxay dhankaas iyo shacabka ku nool magaalada Burco, oo ay soo food saartay markii la wareejiyey dab-demiska gubasho sababtay daraasin guryo ah, kuwaas oo ku yaalay xaafada October oo dab qabsday, isla markaana shuf belay todobaad ka hor.
Wasiirka ayaa arrintaas ku soo hadal qaaday mar uu saxaafada kula hadlaayey magaalada Berbera, waxaana uu yidhi
“Arrinta Gaadhigaas waan arkayey Maalmahan oo dhan inay Website-yadu si aan sax-sanayn oo aan hufnayn ay wax uga qorayeen, arrintaa reer Burco ayaa dhalliili karta, Bulshada reer Somaliland ee gobol kasta ayaa dhaliil kara, waxna ka qaban kara, qof bina-aadam ah baan ahay oo waan qaldami karaa, laakiin waxaan qabaa go’aankii aan ku qaatay gaadhigaa dab-damiska ah in aan ka keeno Burco oo aan keeno Berbera inuu mid sax ah yahay, tabashooyinka dadkaasi sheegayaanna kuwo iska dacaayad iyo siyaasad ah uun baan u arkaa, laakiin tabashooyin gar iyo caqli ku salaysan uma arkayo.”
Geesta kale wasiirka ayaa iska fogeeyey eedaha looga soo jeediyey gobolka togdheer ee salka ku haya cabashada bulshada reer Burco oo baahi weyn u qabtay dab-damis wax lagaga qabto xaalada dabka ka kaca guryaha fog fog iyo meelaha muhiimka u ah bulshada









