Dayuurad Ku Bur Burtay Garoon-ka Dubai

2010-09-04

 Diyaarad laga leeyahay Dalka Maraykan-ka oo lagu Magacaabo United Parcel Service Inc, UPS Nooceeduna ahaa Boeing 747-400 ayaa Xalay ku bur burtay Magaaladda Dubai iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

Shilkaan ayaa Dhacay waxyar ka dib markii ay ka duushay Garoon-ka Dubai waxaana ku Nafwaayay 2-ddii Duuliye,halka ay ku bur bureen Diyaaraddii iyo Alaabtii saarnayd.

Haddaba Shilkaan ayaana aheyn kii ugu horeeyay oo ka dhacay Dubai,Oktoobartii Sanadkii tagay ee 2009-kii ayaa Saxaraha Dubai waxaa u bur burtay Diyaarad ay ku Nafwaayeen 6-ruux nooceedun ahaa Boeing 707.

WaryaTv Nairobi-Kenya

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com