220,000 Qof Oo Ku Baracay Dagaaladda Muqdisho

2010-09-04

Qaramadda Midoowbay ayaa Shaacisay in Dagaaladdii Maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay Magaaladda Muqdishoay ku barakaceen 220,000 oo Ruux.

War ay soo saareen Hay'adaha Qaramadda Midoobay ee UNHCR iyo OCHA, ayaa lagu shaaciyay in Dagaaladdii iyo Duqaymaddii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho ay sababeen Dhimasho,Dhaawac,Bur-bur iyo Barakaca Dad gaaraya 220,000.

Barakacayaasha ku sugan gudaha Soomaaliya ayay tilmaamay innay Xaaladoodu tahay mid aad u liidata oo loo baahanyahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo.

Haddaba,Warbixintaan ayaa imaanaysa xilli Dagaalo xoogan ay Maalmihii la soo dhaafay Muqdisho ka dheceen kuwaasoo khasaaraha ugu badani ka soo gaartay Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan.

WaryaTv Nairobi-Kenya

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com