Shabaab-ka Oo Gacan Goyn Ka Sameeyay Baladweyn
2010-09-04
Maamulka Xarakadda Al-Shabaab ee Magaaladda Baladweyn,Xarunta Gobalka Hiiraan ayaa Labo Wiil oo Tuugnimo lagu eedaynayo Gacmaha ka jaray goor dhaweyd sidda ay innoo xaqiijiyeen Dad goob joogayaal ahi.
Dhalinyaradaan oo Da'aadooda lagu kala qiyaasay 23 iyo 25 ayaa goobta gacanta looga goynayay waxaa soo xaadiray Boqlaal Dad ah oo u soo daawasho tagay.
Gacmaha laga gooyay Dhalinyaradaan ayaa la soo sheegayaa innay muddo cabaar ah yaaleen ama ka lusheen darbiyadda Xarunta Maamulka Al-Shabaab ee Magaaladda Baladweyne.
Sikastaba ha ahaatee Ma'ahn markii ugu horaysay oo Xukun cayn kaan oo kalaa ay sameeyaan Al-Shabaab,iyagoona horay u sameeyay Xukuno kan la mid ah.
WaryaTv Baladweyn-Somalia









