Shariif-ka Iyo Sharmaake Oo Isku Carooday
Madaxweyne Shiekh Shariif Sheikh Axmed ayaa Caro xog leh u qaaday Ra-iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake,markii uu u diray Beesha Caalam-ka Waraaq uu ku Codsanayo in xilliga kala guurka la kala diro Hay'adaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo in Dastuur-ka Cusub ay ansixiyaan Golaha Baarlamaan-ka,Odayaasha Dhaqan-ka iyo Bulshadda Qaybaheeda kala duwan.
Caradda Madaxweyne Shariif ayaa dib u soo noolaysay Khilaafkii Siyaasadeed ee u dhexeeyay Labadaa Mas'uul ee ugu saraysa Xukumadda KMG ah ee Soomaaliya.
Khilaaf-kaan oo gaaray Beesha Caalam-ka aadna u soo Shaacbaxay ayaa waxaa Arbacaddii isku dayay innay xaliyaan Saraakiil Sarsare oo ka socotay Qaramadda Midoowbay kuwaasoo gaaray Muqdisho,balse waa ay ku guul daraysteen.
Mas'uul ka tirsan Dowladda KMG ah oo Magaciisa diiday in la shaaciyo ayaa xaqiijiyay jiritaanka khilaafkaan.
''Khilaafku Waa Mid Jira Oo Aan La Qarin Karin,Waxaana Labadda Mas'uul Isku Haystaan MaamulkaDalka,Madaxweynuhu Wuxuu Doonayaa In Amarka Laga Qaato,Ra-iisul Wasaaruhuna Wuxuu Doonayaa Innuu Howlihiisa Gaarka Ah Isaga Loo Daayo'',ayuu yiri Mas'uulka diiday in Magaciisa la xuso.
Sikastaba ha ahaatee Khilaafka Labada Mas'uul ee ugu saraysa Dowladda KMG ah ayaa ah mid soo noq nqoda iyadoona Dalka ay kajiraan Dagaalo aan kala joogsi laheyn.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









