Afurin Duceeyn Ah Oo Ka Dhacday Khartuum

2010-09-04

 Munaasabadani oo ay soo qaban qaabiyeen Tajamuc Shabaab Al-Soomaal, qeebtooda ku sugan dalka sudaan ayaa halkaasi waxaa ka soo qeyb galay arday aad u fara badan oo iskugu jirtay wiilal iyo gabdho, masuuliyiin,dhaakhaatiro,macalimiin,mashaa'iq iyo mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Xoghayaha Guud ee dhaqdhaqaaqa Tajamuc Aweys Shiikh Axmed, isagoo ka hadlay ujeedada ay u soo qaban qaabiyeen munaasabadaani,wuxuuna sheegay in ay u soo qaban qaabiyeen muujinta siday uga xun yihiin dhibaatada heysata Umada Soomaaliyeed.

Sidoo kale halkaasi waxaa ka hadlay Shiikh Nuur Macalin Cabdiraxmaan oo dadweynaha Soomaaliyeed si weyn u wada garanayaan, waxa uuna ku dheeraaday dhibaatada heysata Shacbiga Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta sidii looga bixi lahaa dhibaatadaasi.

Shiikh Nuur ayaa si kulul uga hadlay dhibaatada heysata Shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay in ay ka dhalatay kadib markii laga tagay dastuurkii uu alle soo dajiyay ee Kitaabka Quraaanka, isla markaana la qaatay dastuur gacan ku sameys ah oo aan bulshada u soo kor dhineynin waxba marka laga reebo dhibaato mooye sida uu hadalka u dhigay.

Shiikh Nuur Macalin C/raxmaan ayaa hadalkiisa ku soo afmeeray baaq uu u diray Shacuubta Islaamka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay in ay u noqdaan ku dhaqanka Kitaabka iyo Shareecada Allaah.

Masuuliyiintii iyo dhamaan dadkii ka hadlay Munaasabadaasi ayaa si isku mid ah u tilmaamay in lagu dadaalo sidii looga samata bixin lahaa Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ku dul habsatay, isla markaana loogu duceeyo Bisha Ramadaan sidii alle uu uga saari lahaa.

Munaasabadaasi Afurinta aheyd ayaa ku soo dhamaatay jawi heer sare ah, oo martida ka qeyb gashay laga dheehanayay wajiyadood sida ay ugu faraxsanaayeen Munaasabadaasi.

Wariye Xasan Wali Guurre
Khartuum - Sudaan

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com