Tony Blair Oo Ukun Iyo Kabo Lagu Weeraray
Ra-iisul Wasaarihii hore ee Dalka Britain Tony Blair ayaa Jimcihii Shalay ahaa ku sigtay innuu sidii tuugii ku dhex ordo Magaaladda Dublin ee Dalka Areland markii Boqlaal Dad ah oo Caraysan ay sida Roob-ka uga dhigeen Ukunta Digaaga.

Tony Blair ayaa Mudaharaad lagu diidanyahay kala Kulmau Shacbiga Areland xilli uu doonayay innuu halkaas ku soo bandhigo Buug Xusuus qor ah oo uu kaga Waramayay 10-sano ee uu xilka hayay.
BlairĀ ayaa Buuga uu qoray ku taageerayay Dagaalkii lagu qaaday Ciraaq ee lagu Xasuuqay Kumanaan-ka Ruux ee isugu jiray Haween,Caruur iyo Wayeel,iyadoona Dadkii ku mudaharaadayay ay ku dhawaaqayeen Erayolid ku ah oo ay ka midyihiin Dagaal Ooge iyo Innuu Dadka Gowraco.
Sikastaba ha ahaatee Kabaha iyo Ukun-ta ayaana aheyn markii ugu horaysay oo lagu weeraro Shaqsi waxaana horay lagu sagootiyay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Bush.
Saciid Nadaara
WaryaTv Nairobi-Kenya
saciidnadaara@hotmail.com









