8 Nin Oo Looga Shakiyey Alshabaab Oo Burco Lagu Qabtay
Burco
(Waryatv.com), Ciidanka amaanka gobolka Togdheer ayaa hawlgal balaadhan oo ay
xalay ilaa maanta ka sameeyeen magaaladda Burco waxay ku soo qabqabteen tiro
ahaanba 8 nin oo looga shakisan yahay inay gacan saar la leeyihiin kooxda
hubaysan ee Al-shabab .
Guddoomiyaha
gobolka Togdheer oo shirkaasi jaraa,id oo uu saxaafadda kula hadlay Xarunta
gobolka ee magaaladda Burco waxa ayaa ugu horaynba u mahadnaqay
ciidanka amaanka gobolka Togdheer waxanna uu sheegay inay ciidanku ku
guulaysteen qabashadda rag looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyiin Urur
diimeedka Hubaysan ee Al-shabab isagoo sheegay in aaanay jirin wax dhibaato ah
oo ka Dhashay arrintaas .
Muddooyinkii
ugu dambeeyay waxaa ciidamadda amaanka ee magaaladda burco laga dareemayay
feeginaan dheeri ah kaasi oo lagu arkayay magaaladda Burco habeenkii iyagoo
baadhitaan ku samaynaya Gaadiidka yar yar iyo waa waynba .
Ragan
ayaa sidda ay Ilo xog ogaali sheegayaa waxaa ku jira wiil dhalinyaro ah oo reer
koonfureed halka ay Todobadda kalenna kasoo jeedaan gobolkan Togdheer
Dhankalenna
waxa kaloo uu guddoomiyaha gobolka Togdheer ka hadlay Raashin caawimo ah kaasi
oo wasaaradda diinta iyo Awqaafta Somaliland ugu deeqday goboladda
Guddoomiyaha
gobolka Togdheer waxa kale oo uu sheegay inay dadkan ay soo qabqabteen ay
baadhitaan ku samayn doonaan siddoo kalenna waxaa warar hoose sheegayaa inay
ciidanka amaanka ee gobolka Togdheer Gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa
inkastoo uu Hogaanka ciidanka booliska Gobolka Togdheer ka cudur daartay inuu
faahfaahin ka bixiyo mar aanu isku Daynay inaanu Arrintaasi wax ka waydiino.
Siddoo kalenna guddoomiyaha gobolka togdheer waxa uu
sheegay inay maalinta
Xafiiska
wararka waryatv
Reported
by
Saleban
sahal jamac









