Saraakiisha Booliska Jigjiga Oo Yeeshay Kulan Qiimayn Ah

Source: Reported by Qaasim
2010-09-04

Jigjiga (Waryatv.com), Shir ay maanta ku yeesheen magaalada Jigjiga saraakiisha booliska Dawlada Deegaanka Somalida oo ay soo abuubleen Koomishanka Booliska, kaas oo ay ujeedadiisu ahayd sidii qiimayn loogu samayn lahaa saraakiisha booliska ee Dawlada Deegaanka Somalida ayaa ka dhacay isla xarunta jig jiga

 

Shirkaas oo uu hogaaminaayey Gaashaanle dhexe Yuusuf Maxamed Muuse, ayaa si mug leh ugu horayn uga sheekeeyey xaalada boolisku uu hada ku sugan yahay, waxaanau sheegay in boolisku ay laf dhabar u yihiin ilaalinta nabad galyada deegaanka.

 

Geesta Kale Gaashaanle Yuusuf ayaa daboolka ka qaaday in dib u eegis lagu samayn doono maxaabista ku xidh xidhan jeelasha Deegaanka Somalida, waxaanu sheegay in la kala shaan dhayn doona maxaabiista u xidhan dambiga fudud iyo midka culub.

Koomishanka booliska ee shirkan qabtay ayaa isku af gartay in qiimayn lagu sameeyo saraakiisha booliska ee ka soo qayb gashay kulankaas, si dib u eegis loogu sameeyo hawl galada dhanka amaanka ee ay qabteen saraakiishu.

Sidoo kale Koomishanka Booliska Dawlada Deegaanka Somalida ayaa dhawrkii todobaad ee la soo dhafay waday kulmo la xidhiidha sidii loo xidhiidhin lahaa booliska iyo dadweynaha, kaas oo ka dhacay deegaano badan oo ka tirsan dhulka ay maasho dawlada Deegaanka Somalida ee Kililka Shanaad


Hargeysa/Somaliland

Ibrahimqasim@waryatv.com

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com