Qaahira:- Ciyaar Lagu Sagootiyey Garsooe Ibraahim Cadaay Oo Aabe U Ah Wiil u Ciyaara Man City
Qaahira (Waryatv.com), Munaasabad
Sport oo ay soo qaban Qaabiyeen jaaliyada Sportiga Soomaaliyeed ee Dalka Masar
laguna Sagootinaayay garsoore Cadaay iyo Wiilkiisa Da'da yar ee u ciyaara
Ciyaartaani oo aheyd mid Kubada
Cagta ah oo ay ka qeyb qaateen labo kooxood oo laga soo dhex xulay kooxaha
Ciyaaraha kubada cagta soomaaliyeed ee ka dhisan Dalka Masar ayaa waxaa ka soo
qeyb galay Marti sharaf kala duwan o ka kala socday qeybaha jaaliyada
soomaaliyeed iyo Hey'ado Sporti oo ka dhisan Dalka Masar.
Munaasabadaan Sagootinta Aheyd
Ayaa sidoo kale waxaa ku dhex lifaaqneed soo bandhigida Wax qabadka Ex-
Wasiirkii hore ee Sportiga Dowlada KMG,ah Marxuum Saleebaan Colaad Roomle oo
decembertii tagtay ku geeriyooday Qaraxii Hotel Shamoo.
Garsoore Cadaay iyo Wiilkiisa
C/salaan Cadaay Ayaa halkaasi Qalab Sporti ku guddoon siiyay Ciyaaryahanadii
kala duwanaa ee ka qeyb qaadatay Kulanki xiisaha badnaa ee lagu sagotinaayay
iyagoona Qalabkaasi ku sheegay in ay Bixisay Hey'ad loogu magac daray Suleymaan
Colaad Rooble oo ay Garsooraha iyo Wiilkiisa Maalgiliyaan kana dhisan Dalka Biritian.
Sidoo kale Munaasabadaasi lagu
sagootinaayay Aabaha Sporti iyo Wiilkiisa ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Ex
Xogheyntii Suleymaan Colaad Rooble, Mr C/risaaq oo Halkaasi ku soo bandhigay
Buug uu ku qornaa taariikhda Marxuum Suleymaan Colaad Rooble.
Munaasabadaasi Sporti sidoo kale
waxaa goob joog ka ahaa Macalinka Xulka Kubada Cagta Soomaaliyeed ee dalka
Masar Macalin Cismaan Xasan, Guddoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka masar
Sheekh Yuusuf, iyo Ciyaaryahano hore oo magac ku dhex leh bahda Sportiga
Soomaaliyeed. Ee dalka masar
Labadii kooxood ee kubada cagta
munaasabadaasi kuwada ciyaaray ayaa waxaa kala watay Ciyaaryahanadii Caanka
ahaa ee dalka soo maray 20,kii sano ee ugu danbeeyay Mustafa
Garsoore Cadaay oo gaba gabadii
Munaasabadaasi lagu sii sagootinaayay Qudbad qiimo badan ka jeediyay ayaa amaan
gaar ah u celiyey bahda Sportiga Dalka Masar Asigoona ku amaanay sida weyn ey u
soo dhaweeyeen una sii sagootiyeen Asigoona balan qaday in uu gacan weyn ka
geysan doono hormarinta bahda Sportiga Dalka Masar.
Sidoo kale Jaaliyada Sportiga
Soomaaliyeed ee Dalka Masar Ayaa Garsoorka iyo Wiilkiisa ku amaaney sida weyn
oo ay isaga xilsaareen in ay garab istaagaan ayna dhiiri giliyaan bahda
Sportiga Dalka masar.
Ma ahan Markii ugu horeesay ee
bahda Sportiga Dalka Masar helaan Dhiiri gilin kaga timaada Dhanka Bahda
Sportiga ee Qurbaha ku nool waxaana horaantii Todobaadkii aynu aynu soo
dhaafnay ayaa Munaasabad tani la mid ah ey bahda Sportiga gaar ahaan
Kubada Koleyga ey u qabteen Ex- Ciyaaryahanadi Xulka Qaranka iyo Kooxdii kubada
Koleyga ee LLPP Jeenyo Marwo Xaawo Taako oo sidoo kale Qalab Sporti
guddoonsiisay bahda Sportiga Dalka Masar.
Waryatv/Qaahira
Reported by
Khaddar shaani
Khadarshaani@hotmail.com











