Dagaalo Iyo Duqaymo Caawa Ka Dhacay Muqdisho

2010-09-04

Dagaalo ay bar bar socdeen Duqaymo Xoogan ayaa Caawa ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya,kuwaasoo u dhexeeyay Ciidamadda Dowladda oo ay Madaafiic ku kaabayeen AMISOM iyo Xarakadda Al-Shabaab Al-Mujaahiduun.

Sida ay innoo xaqiijiyeen Dad goob joogayaal ahi Dagaalka ayaa ka dhacay Degmooyinka Waqooyiga Magaaladda Muqdisho sida Boondheere iyo Shibis.

Ciidamadda AMISOM oo sugaya Amaanka Madaxtooyadda ay ku suganyihiin Mas'uuliyiinta Dowladda ayaa Duqeyn aan loo meel dayin ku garaacay goobaha ay ku suganyihiin Shacabka gaar ahaana goobaha Mashquulka baddan sida Masaajida.

Inta la hubo ilaa hadda Dagaaladda iyo Duqaymadda Caawa ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku Nafwaayay Dad kor u dhaafaya 17 halka tiro intaas ka baddana Dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaartay.

Haddaba,Dagaaladda aan kala joogsiga laheyn ee ka dhaca Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Xamar ayaa ah kuwo badanaa ay dhibaatadda ugu badani ka soo gaarto Shacab aan waxba galabsan,oo haddana aan awoodin tabar ay uga Cararaan Dagaaladda.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com