Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb Qaatay Maalinta Nadaafada Qaranka
Hargeysa
(Waryatv.com), Maalinta nadaafada qaranka Somaliland ayaa maanta oo axad ah
laga bilaabay meelo badan oo ka tirsan Somaliland, madaxweynaha Somaliland ayaa
soo saaray dhaqan galka maalinta nadaafada, waxaana saaka lagu waaberiistay
qiiq isku xidhay xaafadaha iyo meelo badan oo ka mida Hargeysa, taas oo ka
danbaysay kadib markii la gubay xashiish badan oo laga soo uruuriyey badhtamaha
suuqa iyo koonayaasha xaafadaha.
Ugu
horayn waxaa hawsha nadaafada saaka aroortii hore bilaaby madaxweyaha
Somaliland iyo masuuliyiinta ka dhex muuqata siyaasada
Madaxweynaha
waxaa ku wehelinaayey maalinta nadaafada qaranka, xaaskiisa Aamina Waris,
masuuliyiinta kulmiye, maamulka dawlada hoose, xubno ka mida golaha wasiirada
iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.
Sidoo kale madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shaadhka u laabtay sidii uu qashinka magaalada uga guri lahaa, waxaanu qashinka daray majarafada iyo qalabka kale ee loo diyaariyey.
Geesta
kale hawsha nadaafada waxaa ka qayb qaatay shirkada is gaadhsiinta ee Telesom
oo dhankeeda ka waday nadaafada qaranka, waxaanay ku hawl galeen gaadiidka
shirkadu leedahay.
Waa
markii ugu horsay ee la arko madaxweynaha Somaliland iyo shacabka oo meel uga
soo wada jeestay ilaalinta nadaafada guud ee Somaliland, waana hawl gal aan weli
ka dhici
Ugu
danbayntii ciidanka ilalaada madaxweynaha ayaa iyaguna si weyn uga qayb qaatay
gurida iyo gubida qashinka magalaada hargeysa suuqyadeeda iyo koonayaasha
xaafadaha kala duwan.
Waryatv/Hargeysa

















