Dagaal Xoogan Oo Ka Qarxay Muqdisho

2010-09-05

 War aan goor dhaweyd ka helnay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Dagaal Xoogan uu ka Qarxay Degmooyin-ka Hodan iyo Howlwadaag.

Dagaalka oo la isku adeegsanayo Hubka Noocyaddiisa kala gadisan ayaa u dhexeeya Ciidamadda Dowladda oo ay kaabayaan kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab oo ay gacan ka helaya Xisbul Islaam.

Goob joogayaal ayaa ku soo waramaya in Dagaalka Xoogiisu uu ka Qarxay Tarabuunka ilaa Xaafadda Siiglaaye.

Madaafiic ayaa dhinaca kale ku socota Suuqa Weyn ee Bakaaraha,taasoo keentay innuu xirmo Ganacsiga Suuqa.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo Tababar ugu soo xirmay Goboladda Koonfureed ee Dalka Soomaaliya oo ay galbinayaan Gaadiidka Dagaalka ayaa goor dhaweyd lugta la galay Muqdisho.

Sikastaba ha ahaatee Dagaalkaan oo daba socda Dagaalo Shalay ilaa Xalay ka dhacay Muqdisho ayaana la ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com