Col:- Maxamed Cige Cilmi Oo Ku Geeriyooday Hargeysa

Source: Reported by Qaasim
2010-09-05

 

Hargeysa (Waryatv.com), Alle ha naxariistee cisbitaalka Adna Aadan waxaa ku geeriyooday Taliyihii hore ee ciidanka Boolsika Somaliland Marxuum  Maxamed Cige Cilmi.

 

Aaska marxuumka ayaa saaka loo dareeray waxaana lagu aasi doonaa xabaalaha boqol jire ee yaala nawaaxiga xarunta ciidanka ee Qaybta, iyada oo lagu wadaa in aaska marxuumka uu ka soo qayb galo madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

 

Marxuumka ayaa Rabi ha u naxariistee si weyn loogu yaqaanay cadaalada iyo hogaan daacad ah, xiligii uu hayey hogaanka booliska Somaliland.

 

Ugu danbayntii madaxweyaha Somaliland ayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku ilaahay uga baryeynaa inu samir iyo iimaan ka siiyo, jana fardawsa ka waraabiyo. AAMIIN……..AAMIIN………AAMIIN…………AAMIIN

 

 

Hargeysa/Waryatv

ibrahimqasim@waryatv.com

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com