Shabaab-ka Oo Soo Bandhigay Ciidamo + Sawiro
2010-09-05
Xarakadda Al-Shabaab Al-Mujaahiduun ayaa Maanta Ciidamo Xoogan oo Tababaro ku soo qaatay Goboladda Koonfureed ee Dalka Soomaaliya ku soo bandhigay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.
Mas'uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa soo xaadiray goobta lagu soo Bandhigay Ciidamadaan,iyagoona sheegay innay la Dagaalami doonaan Cadowga Dalka ku soo duulay waa sida ay hadalka u dhigeene,waxaana ay xuseen innay guulo ka gaareen Dagaaladdii ugu dambeeyay oo Muqdisho ka dhacay.
Dhinaca kale Ciidamo ka socda Dalka Uganda ayaa la sheegay innay ku soo qul qulayaan Caasimadda Dalka Soomaaliya,inkastoo aan weli la shaacin tiradda rasmiga ah ee Dalka soo gaartay.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









