Waxqabadka la taaban karo bishii uu xilka hayay Madaxweyne Siilaanyo waxa qoray abdiaziz ahmed mousa
2010-09-05
Madaxweyne Ahmed Mohamed Moahmuud Siilaanyo oo xilka Madaxweyne loo
dhaarshay muddo Shan sanadood ah oo ka bilaabantay 27/07/2010 waxa uu
durbaba wax weyn ka badaly dhowr arrimood oo la taaban karo kuwaas oo
dadweynaha reer somaliland ku farxeen,
1-Magacaabista Wasiiro xilkas ah kuwaas oo dhamaantood ka dheer
balwadaha waqitga lumiya sida jaadka kuwaas oo akhlaaqad ahaan iyo diin
ahaana dhisan umaddana la gala safka koowaad ee misaajidada caasimadda
hargeysa intaa waxa u sii dheer waa dad profiision ah oo shaqada
qaranka muujiya muddo yar ,iyo koobida dawlada tayada leh ee uu
magacaabay
2-Waxa uu meesha ka saaray kootadda xoolaha ee halka maxjar lahayd
taas oo uu siiyay option kale ganacsatada oo ay ku kala dooran karaan
maxjaro kala duwan isagoo madaxweynahu degreeto ku magacaabay maxjar
cusub oo ganacasatada somaliland xoolahooga ku xaraysan karaan kaas oo
sharciyan caalamiya,
3-Madaxweyne Ahmed Siilaanyo waxa uu Abuuray Haayaddo si weyn
qaranku ugu baahnaa kuwaas oo ay ka mid yahiin diwaanka sakada, la
dagaalanka musuqa iyo dawlad-wanaag haayadda ICT oo ah haayada qaranka u
qaabilsan casriyaynta habka maamulka iyo xisaabaad-ka oo (computerized
looga dhigay dalka)
4-Ogolaansha Mashruuca Cable-ka Bada hoos mara ee ( fiber optic cable
project ) kaas oo kumanaan kun oo dayari shaqo ka helayso kuna xidhay
caalamka umadda somaliland (xagga waxbarashada,Caafimaadka iyo
ganacsiga) waxaana hubaal ah in uu gartay madaxweynahu in cable-ka oo la
soo dadajiyaa dalka u horseedi karto barwaaqo tusaale ahaan (dalka
Senegal ee ku yaala galbeedka afrika waxa uu leeyahay fiber optic cable
.kaas oo dadka dalkaasi si weyn shaqo uga heleen kolkii uu caalamka ku
xidhay cable-kaasi waxayna dadkaasi ku shaqeyaan iyogaa dalkooga
jooga(work at home) dalka farnce waxayna yahii reciptions,xoghayayaal,
file-la habeeyaal,software develop-gareynta , type-gareynta waraaqaha
duugoobay ee dalaka galbeed iyo galinta internetka iyo hagaajinta
qoraaladda dhamaan shaqooyinkaasi waa kuwa reer senegal ka heleen
cableka waxaana guula talaabadaa uu madaxweynahu ku soo dadajiyay ee
da'yartu ka sugaysa oo madaxweynahu xaqiijiya, amaana uu ku leeyahay
Geesiga (hero of business) Maxamed Aw siiciid ,
5-Koradhka dakhliga iyo mushar-siinta shaqaalaha qaranka ee
dawladii hore ku lahaa musharooyinka oo la siiyay mushaharkoodii taas oo
ku jirtay barnaamijka xisbiga kulmiye
6- wareejintii Gudoomiyaha xisbiga ee heshiiskii xisbiga iyo
oofintii balanta ee madaxweynahu sameeyay taas oo ahayd talaabooyin
horumar ah,
7- Madaxweyne siilaanyo waxa uu uu nmadadaa bisha ahayd qaaday
talaabooyin siyaasiya oo uu ku noolaynayo wada noolanshaha umadda
somaliland ee gobolada bari oo durba soo iftiinta ka dib markii garaado
badan oo aan hore somaliland loo maqashiin jirin maanta ay somaliland ku
taamayaan taas oo durba guul weyn oo xaga nabada ah somaliland u
horseeday,
Gaba-gabadii Madaxweyne somaliland waxa uu si dagdag ah muddo bil
ah u abuuray fursado waa weyn oo dadweynaha somaliland kaga farxiyay
waxaana madaxweyne siilaanyo lagu yaqaanay taariikhda Maamul wanaag taas
oo tusaale ugu filan umadda imaanshihii xukunka SNM 1984 taas oo ay
awoodi waayeen raggii SNM uga horeyay Madaxweyne Siilaanyo in ay maamul u
sameyaan SNM halganka dhaqaajiyaa taas oo markii uu yimid uu halganku
isku duba dhacay min baabuli ilaa mustaxeel oo xadka kenya ah oo uu
maamulka snm-gaadhay isagoo xitaa ethiopia ka soo qaaday taangiyo iyo
gawaadhi-gaashaman iyo hub sidaana uu ku bilaabmay halgankii umadda
somaliland madaxbanaanideed kula soo noqotay,
Qore Abdiaziz Ahmed Musa
4419063--
Abdiaziz A Musa
Mobile 0025224419063
Tell:-002522525819
Hargeisa









