Siilaanyo oo Ku Gacan Saydhay Suldaano ula Tegay in Saqadhi Shaqadiissii Lagu Soo Celiyo

2010-09-05

WARYA TV- Afar Suldaan oo ka kala socda beelaha magaalada Hargeysa degaankoodu yahay ayaa maanta shir ay la yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa waxay si gaar ah uga codsadeen madaxweynaha inuu dib u soo celiyo taliyihii hore ciidamada boliiska Somaliland, Maxamed Saqadhi Dubbad, oo ay ku sheegeen inuu boliiska aad u dhisay oo wax weyna ka qabtay iyo la dagaalanka dembigaba.

 

Madaxweynaha ayaa u sheegay salaadiinta inaanay suuragal ahayn in dib loo soo celiyo Saqadhii isagoo ku sababeeyey eryidda taliyaha in ay ka dambeysay markii uu wasiirka arrimaha guduhu, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, uu ka soo ashtakooday isagoo sheegay inuu taliyuhu amar ka qaadan waayey.

 

Madaxweynaha ayaan isaga marna soo hadal qaadin in sababta uu taliyaha u beddelay ay tahay sidii tooska ahayd uu amarka uga qaadan jiray madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale balse jawaabtiisa ku koobay in wasiirka amarkiisa uu diiday.

 

Dr. Gaboose ayaa maalmo ka hor faray Saqadhi inuu rag boolis ah oo uu taliyuhu shaqadoodii hore uga eryey  in dib loo shaqaaleeyo. Taliyaha ayaa ku wargeliyey wasiirka in raggaas uu sheegayaa ay yihiin ma shaqaystayaal sidaa awgeedna aan shaqada lagu celin karin.

 

Dr. Gaboose ayaa toos madaxweynaha ugu ashtakooday in raggii uu doonayey in shaqada lagu celiyo uu ka diiday.

 

Dr. Gaboose oo in badan xubnaha taliska sare ee xisbiga KULMIYE ay ku eedayn jireen daba martayn ayaa lagu eedeeyaa inuu ka dambeeyey burburka soo kala dhex galay xisbiga KULMIYE iyo madaxweynaha oo kala fogaaday.

 

Saqadhi oo aan taageero badan ka haysan beeshiisa ayaa ahaa taliyaha ciidamada boliiska ee Somaliland markii xabsiga loo taxaabay Dr. Gaboose iyo Maxamed Xaashi.

 

Dr. Gaboose oo aasaasay ururka QARAN ayaa shuruudo saddex qodob ka kooban ku xidhay taageeridda xisbiga KULMIYE hase ahaate ku fashilmay taageeradii laga rajaynayo inuu u keeno xisbiga xilligii doorashada.

 

 

WARYA TV

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com